Wasiirro Sharaxay Muhiimada Beerta Cilmi-baadhista Geed-deeble

0
666

Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sharraxaad ka bixisay muhiimada Beerta Cilmi-
baadhista iyo Dalxiiska ee deegaanka Geed-deeble ee gobolka Maroodi-jeex,. Kulan uu diyaariyey Ururka Iskaa-
wax-u-qabso ee Barwaaqo (BVO), loona qabtay danneeyaasha arrimaha Deegaanka, oo lagaga hadlayey qorshaha
guud ee Beerta Horumarinta Cilmi-baadhista iyo Dalxiiska Geed-deeble, iskana kaashanayaan Barwaaqo Voluntary
Organisation, Wasaaradda Deegaanka, iyo urur ka shaqeeya horumarinta Geeska Afrika, ayaa lagu soo bandhigay
heerka ay hawsha diyaarinta beertu marayso.
Kulanka oo lagu casuumay Wasiirada Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare, Maaliyadda Dr Sacad
Cali Shire, Hawlaha Guud Cabdillahi Abokor Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, wakiil-xigeenka xafiiska
Taiwan iyo marti kale, ayaa Gudoomiyaha Ururka Barwaaqo Marwo Khadra Cali Xasan oo sharaxaad ka bixinaysay
muhiimada kulanka ayaa sheegtay inay uga mahadcelinayso dhamaan ka qeybgaleyaasha, oo halkan lagula
wadaagi doono hirdisaha diyaarinta beertan iyo sida mustaqbalka loo qorsheeyey.
Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Gudoomiyaha Dallada NAGAAD, iyo xubno kale oo kulanka ka hadlay ayaa
soo dhoweeyey diyaarinta hawshan, kuna dheeraaday muhiimada beerta cilmi-baadhista iyo dalxiiska Geed-Deeble.
Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri X. Ismaaciil Baandare oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay qorshaha halkan lagu
soo bandhigay ee la xidhiidha diyaarinta beertan waa shaqo socota oo ka qeybgelayaasha kulanka looga baahan
yahay inay waxii khibrad ku kordhiyaan.
Wasiirka Hawlaha Guud Cabdillahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in isaga iyo Wasiirka Deegaanku ka mid yihiin
Guddiga guud ee Nashqadenta Qaranka, oon ku koobnaan doonin keliya magaalooyinka, balse sida siyaasadeeda

la diyaarinayo waxa la kala xadeyn doonaa dhul-daaqsimeedka, dhul-beereedka, dhulka degsiimooyinka iyo dhulka
si gaar ah loo isticmaali doono.
Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ereyo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in hawsha diyaarinta beerta
(Botanic Garden) sidaan hore u sheegay wadan walba waxuu leeyahay saddex shey oo qaali ah, oo kala ah Dadka,
Noolaha (dhir, xawayaan) iyo ma-nooleyaasha (macdanta ama ciida) in la ilaashado oo la horumariyana waa
muhiim.

Leave a Reply