Xildhibaan ku Baaqay in loo Gurmado Dadka Abaaraysan

0
469

Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida
Somaliland ayaa ka hadlay Abaarta baahsan ee ka jirta Goballada Bariga dalka.
Cabdikariim Sheekh Cumar oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in shacabka iyo Ganacsatada
Somaliland looga baahanyahay in ay u gurmadaan dadka ay abaartu haleeshay ee Gobalalda Bariga dalka,
waxaana uu in taasi ku daray in abaartaasi saamaysay dadka xoolo dhaqatada ah.
Cabdikariim Sheekh Cumar oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo
abaaraha ka jira Goballada Bariga dalka, waxaana ay saamaysay abaartu bulsho aad u farabadan, hadday tahay
tuulooyinka iyo hadday tahay dhulka baadiyaha ah, waxaana ay abaarahaasi saameeyeen Gobalada Bariga dalka".
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu baaq u diray Bulshada Somaliland, waxaana uu yidhi "Waxaan ugu baaqayaa
Bulshada Somaliland, gaar ahaan Ganacsatadu in ay u gurmadaan dadkaas abaartu haleeshay ee Gobalada Bariga
dalka, waan in laysku naxariisto horana meelo badan oo Abaaruhu ka dhaceen gurmad adag ayaa laga galay.

Maanta oo dadkeenii abaaro ka jiraan waa in dedaal weyn loo qaado sidii loo caawin lahaa dadkaas khayr badan iyo
ajar ayaana laga helayaa".

Leave a Reply