Tartanka Orodka Xawaaraha Shanta Kiiloo Mitir oo lagu kala Guuleystay

0
614

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa shalay soo
Geba-gabeeyay Tartanka Orodka ee 5KM.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid
Caydiid Yaasiin iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Maxamed Xasan Nageeye
ayaa shalay soo geba-gabeeyay Tartanka Orodka ee 5KM.
Tartankan Orodka ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Orodyahano caan ah oo ka orda waddamada
caalamka, iyaga oo ku ciyaari doona magaca Somaliland.
Sidoo kale waxa xusid mudan in tartankani uu ahaa mid kaalmaha ugu horeeya ay tartan dibadda
ah u bixi doonaan bisha May.
Waxaana kaalmaha hore ka galay Tartanka Orodka ee 5KM.
1-Cabdillaahi Jaamac Maxamed [15:31:48]
2-Fu'aad Siciid Cali [15:45:74]
3-Maxamuud Xuseen Axmed [16:13:44]

Leave a Reply