Xisbiyada Mucaaradku Way ka Gaabiyeen Ictiraafka Somaliland

0
750

)- Safiirka JSL u qaabilsan dalka Finland, Saamiya Muuse ayaa ugu baaqday Xisbiyada Mucaaradka inay ka shaqeeyaan Qadiyadda Ictiraafka Somaliland.

Safiir Saamiya oo wareysi siisay Telefishanka Bulsho Tv, khamiistii 22 Dec, 2021, ayaa sheegtay in xafiiska Somaliland ee Finland kaalin weyn ka qaateen horumarinta siyaasada arrimaha dibedda ee Wasaaradda Khaarajiga, isla markaana wada shaqeyn wanaagsan la leeyahiin xukuumada Finland.

“Mudaddii aan joogay xafiiska JSL ee Finland arrimo badan oo xoojiyey magaca Somaliland ayaan gaadhnay. Waxaan kaalin la qaadanay arrimaha ka socda dalka Finland, si xidhiidhka labada wadan u kobcino.” Ayey tidhi Safiir Saamiya.

Safiirka JSL ee dalka Finland Marwo Saamiya ayaa ku dhaliishay Qurbajooga dibeda gaar ahaan dalka Finland inay ka gaabiyeen qadiyadda ictiraaf raadinta dalkooda, lama mid ahaynd jaaliyadaha kale oo danta guud ee dalkooda u midooba, kala duwananshiyaha aragtidooda, waxaanay tidhi,

“Qurbajooga dalka Finland way ka gaabiyeen qadiyada Dalkooda Somaliland horumarinteeda. Hadday yihiin xisbiyada Mucaaradka dhinaca horumarinta qadiyada Somaliland waxay ahayd inay kaalin ka qaataan oo taageerayaashooda ku booriyaan.

Safiir Saamiya ayaa ku dhaliishay xisbiyada Mucaaradka inay ka gaabiyeen horumarinta Qadiyada Ictiraafka Somaliland, waxaanay sheegay “Annagu Xafiis ahaan waan ku dedaalnay inaan isku xidhno jaaliyadda, laakiin labada Xisbi Mucaarad hogaamiyeyaashoodu oo lagu tiriyo inay dalka ka soo jeedaan way ka gaabiyeen inay xoojiyaan Qadiyadda Ictiraafka.”

Qurbajooga Somaliland ee dibedaha ayey sheegtay inay weli ka gabanayaan inay qalbiga u furaan dalkooda Somaliland, isla markaana dalalka ay joogaan ku dhexfaafin Qadiyada Somaliland oo garab-istaagii laga doonayey aanay weli buuxin.

“Jaaliyada kale jooga Finland maalinta xuska Qaranimada dalalkooda wadajir ayey u xusaan khilaaf kasta ama xisbi kasta ay taageeraan, balse jaaliyadda Somaliland sidaa maaha umana midoobaan xuska Qaranimadooda, taasina waxay u baahan tahay inay ka koraan, xisbiyada mucaaradkuna ku booriyaan taageerayaashooda caalamka inay qaranimada dalka oo dhamaan la wada leeyahay u midoobaan.”

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply