“Ha laga baxo Buuqan yar ee bilaa Micnaha ah ee maalin kasta taagan”Madaxweyne Muuse Biixi.

0
312

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ayaa soo jeediyay in laga waantoobo buuqa maalin walba taagan iyo dhinacan xu nee wax laga eegayo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhaqaalaha waddanku ku lumo xalinta xanafta ka dhalata doorashada dalka ka dhacda.

Waxaanu yidhi.”Ruwanda innaga dal yar, innaga dad yar, innaga dhaqaale yar, innaga jaanis yar, xataa bad ma laha innagana caqli badna, laakiin waxeennu waxay ku lumeen khilaaf aan la garanayn, oo khilaafkaas cirka la geeyo, dab-demis ayeynu ku jirnaa uun.

Doorashooyin ayeynu galnaa oo ugu buuq badan dalka dhaqaalihiisuna wuxuu ku lumaa doorasho, wakhtigeeda iyo xanafteeda.

Waa mar ololaheeda lagu wareersan yahay iyo mar natiijadeeda ka soo baxa la isku  khilaafayo oo la bogsiinayo.

Waynu ka fikiri kara lahayn sidee ayeynu u ururinaa doorashooyinkeeda, oo isula helnaa.

Waxaynu dad dhinac xun uun wax ka eegaya INSHA ALLAH taasina waa laga waantoobi doonaa, oo ha laga baxo buuqan bilaa micnaha ah ee maalin kasta taagan.”Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply