Madaxweynaha Ruushka oo diiday In Nabi Muxammad (NNKH) la aflagaaddeeyo

0
448

XIGASHADA SAWIRKA, RUSSIA@TWITTER

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH aanay marnaba qayb ka ahayn xeerka xornimada hadalka ee qof walba uu u haysto inuu fikirkiisa cabiri karo.

Putin ayaa khudbaddiisii sannadlaha ahayd ee uu jeediyay maalintii Khamiista hoosta uga xariiqay in uu taageersan yahay xorriyadda farshaxanka balse waxa uu ka digay in aanay soo dhaafin xadkeeda oo aanay ku xad gudbin xorriyado kale.

“Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiba waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha waxayna ku xad gudbeysaa dareenka dadka haysta diinta Islaamka,” ayuu yidhi Putin, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.

Madaxweyne Putin ayaa carrabka ku adkeeyay in ficillada noocaasoo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weerarkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee magaalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH).

Shacabka Ruushka ayuu ku boorriyay in ay dhammaantood isku tixgeliyaan dhaqamada iyo diimaha ay kala haystaan, isaga oo intaas ku daray in waddankiisa uu yahay mid ku dhisan “dhaqamo aad u kala duwan” oo aan la mid ahayn dalalka kale ee caalamka.

@TWITTER

Dalal badan ayuu madaxweynaha Ruushka sheegay in aanay xushmaddaas ilaalinin.

Madaxweyneyaasha horay mowqifkan oo kale ugu difaacay Nabi Muxammad iyo Diinta Islaamka waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan.

Dhanka kale Vladimir Putin ayaa cambaareeyay sawirrada Naasiyiintii Jarmalka ee uu hoggaaminayay Adolf Hitler ee lagu daabacay website-yada, sida mid lagu sheegay in uu yahay sawir aan dhimaneynin oo loo hibeeyay dadkii Ruushka u dhashay ee ku dhintay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Hadalka madaxweyne Putin ayaa yimid xilli sannadihii dambe ay sii badanyeen xasaradaha ka dhasha aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH, taasoo ka cadheysiisay dad badan.

Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, Samuel Paty oo ahaa macallin 47 jir ahaa oo u dhashay Faransiiska ayaa la gowracay kaddib markii uu ardaydiisa tusay sawirro kartoon ah oo lagu matalayay Nabi Muxammad NNKH.

 

XIGASHADA

Macallinka ayaa bartilmaameed ahaa ilaa markii uu 6-dii bishii October, 2020-kii ardayda tusay sawirrada.

Qofka dilka u geystay macallinkaas, oo ahaa wiil 18 jir ah oo lagu magacaabi jiray Abdullakh Anzorov, ayay boolisku toogasho ku dileen waxyar kaddib weerarka.

Tan iyo xilligaas wixii ka dmabeeyay waxay dowladda Faransiiska qaadday tallaabooyin ay uga jawaabeysay falkaas oo ka careysiiyay Muslimiin badan oo caalamka ku nool.

Dalalka qaar, oo uu ka mid yahay Pakistan ayay ka dhaceen mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeeday dowladda Faransiiska, waxaana ay cabsi soo food saartay muwaadiniinta u dhashay dalkaas ee jooga waddamada ay dibadbaxyada ka dhacayeen.

 

 

 

Leave a Reply