30 sanno ayaa ka soo wareegtay burburkii Midoowgii Sofiyaati maxaa burburiyey

0
184

Soddon sano ka hor, dalka ugu weyn adduunka iyo waddankii ugu horreeyay ee shuuci ah ayaa si rasmi ah u burburay. Waxaynu iftiiminaynaa shan sababood oo waaweyn oo burburkii Midowgii Jamhuuriyadihii Hantiwadaagga Soofiyeedka sababay.

Calan cas oo leh dubbe iyo faas qalloocan, oo mar calaamad u ahayd mid ka mid ah quwadaha adduunka ugu awoodda badan, ayaa hoos looga dhigay aqalka Kremlin-ka.

Gorbachev wuxuu xukunka qabtay 1985, isaga oo 54 jir ah. Waxa uu bilaabay dib u habayn is daba joog ah si uu nolol cusub ugu soo dabbaalo dal fadhiid ah.

Qaar badan ayaa ku doodaya in dib-u-habayntan, oo loo yaqaan Perestroika (dib u dhiska iyo dib u habeynta) iyo Glasnost ( daahfurnaanta iyo xorriyadda hadalka), ayaa horseeday dhimashada dalka. Qaar ayaa sheegaya in Midowgii Soofiyeeti uu ahaa mid ka badbadin badan, marka loo eego qaabka uu u dhisan yahay.

Halkan waxaan ku eegaynaa sababihii burburka keenay ee saamaynta weyn ku yeeshay Ruushka hadda sida uu isu arko iyo sida uu ula macaamilo dunida inteeda kale.

  1. Dhaaqalaha

Hoos-u-dhac dhaqaale ayaa ahaa mushkiladda ugu weyn ee dhammaan dhibaatooyinkii haleelay Midowgii Soofiyeeti. Dalku waxa uu lahaa dhaqaale dhexe oo ka duwan dhaqaalaha suuqa ee dalal kale.

Ummadda USSR waxay go’aansatay inta uu gaadhsiisan yahay waxa ay u baahn yihiin (inta baabuur ama inta kabo ama roodhi ah)

Waxa kale oo la go’aamiyay inta ka mid ah alaabtaas ee muwaadin kastaa u baahan yahay, inta wax walba ku kacayso iyo inta dadka la siinayo.

Aragtida ayaa ahayd in nidaamkani uu noqon doono mid wanaagsan oo caddaalad ah, inkastoo uu si adag u shaqeeyay.

Qaybinta ayaa had iyo jeer ka danbeysa baahida lacagtuna inta badan waxay ahayd mid aan macno lahayn.

 

XIGASHADA SAWIRKA

Dad badan oo ku nool Midowgii Soofiyeeti haba yaraatee ma faqri jirin, laakiin ma awoodaan inay iska bixiyaan waxyaabaha aasaasiga ah, sababtoo ah kuma filna.

Si aad baabuur u iibsato, waa inaad ku jirtay liiska sugitaanka sannado badan. Si aad u iibsato jaakad ama kabaha la xidho jiilaalka, inta badan waxay ahayd inaad saf u gasho saacado waxaana laga yaabaa inaad ogaato in cabbirkaagu uu hore u baxay.

Dadku kama ay hadlayn inay wax iibsadaan, laakiin waxay ka hadlayeen inay helaan.

Waxa ka sii darnaa kharashkii ku baxay duqeymaha cirka iyo tartanka hubka ee u dhexeeyay Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykanka, kaas oo bilaabmay dabayaaqadii 1950-kii.

USSR waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee adduunka ee hawada hawada sare u dayax gacmeed u dira, wuxuuna lahaa hub Nukliyeer ah iyo gantaallada ballistic-ga casriga ah, laakiin dhammaan arrimahaas waxay ahaayeen kuwo aad qaali u ah.

Midowgii Soofiyeeti wuxuu ku tiirsanaa khayraadkiisa, sida saliidda iyo gaasta, laakiin horaantii 1980-meeyadii, qiimaha saliidda ayaa hoos u dhacay waxayna taasi si weyn u saameysay dhaqaalihii markii horeba jilicsanaa.

Siyaasadda dhismaha iyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha ee madaxweyne Gorbachev waxa ay soo bandhigtay qaar ka mid ah xeerarka suuqa, laakiin dhaqaalaha Soofiyeedka aad ayay u adkeyd in uu si degdeg ah ula qabsado.

Badeecadaha ayaa ahaa kuwo gabaabsi ah, sicir-bararkuna aad buu u kordhay.

  1. Fikraddii

Siyaasadda Madaxweyne Gorbachev ee kordhinta hufnaanta hay’adaha dawladda waxa ay ujeeddadeedu ahayd in ay ka dhalato xorriyatul-qawl hagaagsan, waddan uu ku jiray tobannaan sano oo nidaam kali-talis ah oo dadku ka cabsanayenn in ay aragtidooda dhiibtaan, guud ahaan.

Waxa uu ku bilaabay furitaanka taallooyin taariikhi ah oo muujinaya heerka dhabta ah ee dulmigii uu ku hoos jiray Joseph Stalin (hogaamiyihii Soofiyeeti intii u dhaxaysay 1924 iyo 1953), kaas oo sababay dhimashada malaayiin qof.

Wuxuu dhiirigeliyay in laga wada hadlo mustaqbalka Midowgii Soofiyeeti iyo qaab dhismeedkiisa awoodeed ee ku saabsan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa.

Waxa uu sidoo kale taabtay fikradda nidaamka xisbiyada badan, oo ka soo horjeeda xukunka xisbiga shuuciga.

Xukuumadda Gorbachev waxay si quus ah isugu dayday inay ku darto qaybo ka mid ah xorriyadda iyo caddaaladda hannaanka doorashada, laakiin aad ayay u daahday.

  1. Qarannimadii

Midowgii Soofiyeeti waxa uu ahaa dawlad jinsiyado kala duwan ku noolaayeen, oo leh dhaxalkii Boqortooyada Ruushka.

Waxa ay ka koobnayd 15 Jamhuuriyadood oo mid walba aragti ahaan ay yihiin cadaalada iyo inay yihiin sidii dawlado walaalalo ah.

 

XIGASHADA SAWIRKA,

Dhab ahaantii, Ruushku wuxuu ahaa kii ugu weynaa uguna xoogga badnaa luqadda Ruushka iyo dhaqanka Ruushku waxay ka talinayeen meelo badan.

Siyaasadda daah-furnaanta ayaa dad badan oo jamhuuriyadaha kale ah ka dhigtay inay ogaadaan dulmigii hore ee qowmiyadahooda gaadhay, oo ay ku jiraan abaartii Ukraine 1930-meeyadii, afduubkii Waddamada Baltic-ga iyo galbeedka Ukraine ee heshiisyada saaxiibtinnimo lala galay Nazism, iyo in si qasab ah looga eryay qowmiyado badan dalkaas, dagaalkii labaad ee aduunka.

Dhacdooyinkaas iyo kuwo kale oo badan ayaa keenay inay kor u kacdo qarannimada iyo aayo ka tashiga dadkaasi.

Fikradda Midowga Soofiyeeti oo ahayd ahaanshaha dalal isku qoys ah oo faraxsan ayaa si darag u wiiqantay, sababo la xidhiidha isku dayga degdega ah ee dib u habeynta.

  1. Niyadjab iyo rejo

Muddo sanado ah ayaa shacabka Soofiyeedka loo sheegayey in reer galbeedku ay “qudhmeen” dadkoodana ay la ildaran yihiin faqri iyo musuqmaasuq ayna ku hoos jireen dawladihii hantiwadaaga.

Fikraddan ayaa si isa soo taraysay su’aal gelinteeda ilaa dabayaaqadii 1980-meeyadii intii lagu jiray kobaca gaadiidka iyo xidhiidhka tooska ah ee ka dhexeeya dadka caadiga ah.

Soofiyeedku waxay arki kareen in dalal kale oo badan ay heerka nolosha, xorriyadda shakhsi ahaaneed, iyo barwaaqad ay ku jiraan ay aad uga fiican tahay tooda.

Waxa kale oo ay awood u yeesheen in ay arkaan waxa ay maamulkoodu isku dayayeen in ay ku qariyaan muddo sannado ah iyaga oo ka mamnuucay in ay u safraan dibadda, xidhitaanka idaacadaha ajnabiga ah (sida BBC World Service) iyo in ay kormeeraan calaamad kasta oo filim shisheeye ah oo soo gelaysa Midowga Soofiyeeti.

Gorbachev ayaa lagu tiriyaa inuu soo afjaray dagaalkii qaboobaa, isla markaana soo afjaray khatartii dagaalka Nukliyeerka isaga oo wanaajiyay xidhiidhkii uu la lahaa reer galbeedka, balse natiijada aan ku talagal ahayn ee xidhiidhkan uu wanaajiyay ayaa ah in dadka Soofiyeeti ay garteen sida ay noloshoodu u liidato marka loo eego wadamada kale.

 

XIGASHADA SAWIRKA

  1. Hoggaamin

Gorbachev wuxuu ogaa in loo baahan yahay isbeddel xagjir ah si loo soo afjaro sii xumaanshaha dhaqaalaha Soofiyeedka iyo anshaxa dadweynaha, laakiin aragtidiisa ku aaddanayd sidii loo gaadhay natiijadaas ma ay caddayn.

Markii uu dhammeeyey dagaalkii qaboobaa waxa uu noqday halyey u soo baxay dunida debedda, balse markii uu gudaha joogo waxa lagu dhaleeceeyay isbedel-doonnimadiisa oo la dareemay in aanu qaadin tallaabadii saxda ahayd, muxaafidkuna waxa ay dareemeen in uu meel fog soo marayo.

Sidaa darteed, wuxuu go’doomiyay labadan kooxood

Xisbiga Konserfatifka ayaa bilaabay afgambi xun bishii Ogosto 1991 si ay xukunka uga tuuraan Gorbachev.

Halkii laga badbaadin lahaa USSR, isku day dhicisoobay ayaa sababay dhimashadii midawga. Wax ka yar saddex maalmood ka dib, madaxdii kacaanku waxay isku dayeen

inay dalka ka baxsadaan, madaxweyne Gorbachev ayaa dib loogu soo celiyay xukunka, laakiin markan waa wakhti yar.

Boris Yeltsin ee Ruushka iyo madaxda maxalliga ah ee qaybaha kale ee USSR ayaa dhammaantood soo muuqday.

Bilihii xigay, inta badan jamhuuriyadihii ayaa u codeeyay, waxaana bishii December la xidhay masiirka dowladda dhexe.

 

 

Leave a Reply