34 Dhallinyaro ah oo ku Dhintay caado dhaqameedka wiilasha koonfur Afrika

0
507

Halkii ay u dabaal dagi lahaayeen wiilashooda oo qaan gaadhay, bishan 34 qoys oo ku nool gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka tacsiyeynaya geeridooda.

Ugu yaraan 34 nin oo dhallinyaro ah ayaa dhintay bishan intii lagu guda jiray barnaamij dhaqameed dhib badan oo caan ka ah dalka Koonfur Africa . Guddiga xuquuqul insaanka ee dalka ayaa ku baaqaya in la xakameeyo iskuulada bixiya caadooyinka halista ah si looga hortago dhimasho badan.

Barnaamijkan oo loo yaqaano Bilawga raganimada, gaar ahaan dadka Xhosa dhexdooda waa khatar noqon karta dhimasho.

Sannad kasta, wiilasha da’da yar waxay ka tagaan qoysaskooda si ay toddobaadyo ula qaataan hoggaamiye dhaqameed, waxaanay tagaan meel cidlo ah, halkaas oo sidoo kale lagu sameeyo gudniinka iyo waxyaabo tababar ah oo ay tahay inuu maro wiilku intaanu u gudbin inuu reer samaysto.

Saraakiisha Koonfur Afrika ayaa ku dadaalaya inay fahmaan wixii khaldamay xilli ciyaareedkan. David Luka Mosoma oo gudoomiyaha Komishanka Xuquuqaha Bulshooyinka ee dhinacyada  Dhaqanka, Diinta iyo Luuqadaha, ayaa sheegay in lagu faanayo in xasuuq loo wiilasha.

“Ma jirto ummad ku faanta inay xasuuq u geysato wiilashiisa… dhaqanna laguma eedayn karo arrintan sababta dhimashada qofka, laakiin waxa jira dayac bani’aadam, fal dambiyeeedyo iyo arrinta oo noqotay ganacsigi dhinaca dhaqanka ah,” ayuu yidhi Mosoma.

Booliska Koonfur Afrika ayaa baadhaya dhimashadan, oo mas’uuliyiintu ay sheegeen in ay u muuqdeen kuwo ka yimid gudniin sida xun u dhacay, dayacaad, iyo xadgudubyo.

Maamulka ayaa horaantii bishan sheegay in hal wiil uu qaraqmay kadib markii hogaamiye uu ku khasbay inuu dabaasho.

Ra’iisul wasaaraha gobolka Eastern Cape, Oscar Mabuyane, ayaa u sheegay warfidiyeenka in bulshooyinka ay waajib ku tahay inay xil weyn iska saaraan sidii loo sugi lahaa ammaanka inta lagu guda jiro caado dhaqameedkan.

“Dhibaatooyin kala duwan waa laga fogaan lahaa haddii ragga bulshadu ay doorkooda ka ciyaaraan geeddi-socodka,” ayuu yidhi Mabuyane. “Sidee ugu sharaxi kartaa hooyooyinkii wiilashan inay u dhinteen?  Waxay u qudh baxeen dhaawacyo, fuuqbaxa iyo tababarkii adkaa?”

Guddiga xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ku dhowaad ​​700 oo nin oo dhalinyaro ah ay dhinteen tobankii sano ee la soo dhaafay intii lagu jiray xafladahan bilowga ragganimo, halka tiro intaa ka badanina ay ku dhiiboodeen gudniin lagu sameeyey.

In kasta oo ay cadho dadweynuhu ka dhalatay dhimashadan, hadna caado dhaqameedka ka soo jeeda awoowayaashii Koonfur Afrika, luguma talo jiro in la joojiyo.

Khabiirka cilmi-nafsiga ee xarunta caafimaadka qoyska ee Ubuntu Anele Siswana oo daasadeeya  arrimaha dhaqanka, ayaa sheegay in dhaqanku uu aad muhiim ugu yahay bulshooyinka.

“Nidaamkan caado dhaqameedka wax weyn ayuu ugu fadhiyaa bulshooyinka . Wuxuu ku lug leedahay caawinta wiilasha yar yar si ay u noqdaan rag wanaagsan… waxa ay la macno tahay in aad noqoto qof mas’uul ah, waxa ay ka dhigan tahay qof wax qabta, waxa ay la macno tahay in aad noqoto qof door ku leh ammaanka, waxay ka dhigan tahay in aad noqoto isku qof madax bannaan,” ayuu yidhi Siswana.

Siswana waxa uu sheegay in arrintan dhaqanka ganacsi laga dhigay, waxaanay caado dhaqameedkani uu ka qayb qaatay kor u kaca dugsiyada sharci darrada ah ee u tartamaya inay macaash helaan.

Dugsiyo si sharci darro ah loo bilaabay ayaa lagu eedeeyay dhimashada ugu badan ee dhawaanahan.

Koonfur Afrika waxay leedahay sharciyo lagu sugayo badbaadada dadka bilaabaya, laakiin guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka Mosoma ayaa sheegay in dhaqaalaha iyo agabka loo baahan yahay si loo dhaqan geliyo xeerarka ay maqan yihiin.

Dhanka kale, Guddiga Horumarinta iyo Ilaalinta Xuquuqda Bulshooyinka Dhaqanka, Diinta iyo Luuqadaha ee Koonfur Afrika ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xidho dugsiyada sharci darrada ah, isla markaana si dhow loola socdo kuwa diiwaangashan.

 

Leave a Reply