Horyaalka Horyaallada Somaliland, Waxool Hargeysa iyo DP World Berbera oo Min Hal Dhibic ku kala Baxay

0
857

Tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo doraad ka furmay caasimadda gobolka Saaxil ee Berbera, kaasoo uu iba furay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankii u horeeyay waxa foodda is-daray kooxaha Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Burco, kulankaas oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxay guushu raacday kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, isla markaana 1-0 kaga badisay kooxdii Wasaaradda Maaliyadda Burco.

Kulankii labaad ee tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo ay shalay isku haleeleen kooxaha Waxool Hargeysa iyo DP World Berbera ayay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar adag oo u badnayd weerar iyo weerar celis, waxaanay labada naadiba sameeyeen isku dayo badan oo ay ku doonayeen inay ku dhaliyaan gool ay hogaanka ku qabtaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta labada kooxood ee Waxool Hargeysa iyo DP Wordl Berbera ayaa ku idlaatay 0-0.

Isku soo laabashadii qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood la soo galeen garoonka Cabdalle Staduim ee magaalada Berbera dardar ay ka muuqato dardaaranadii labada macalin ee kala hogaaminaya labada naadi.

Ugu dambayn labada kooxood ee Waxool Hargeysa iyo DP World Berbera ayaa isla dhaafi waayay 0-0 ay min hal dhibic ku kala qaateen ciyaartoodii ugu horeysay.

Leave a Reply