Saddex Kooxood oo Serie A-da ah oo Isku Baacsanaya Saxeexa Aubameyang

0
352

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiso ka helayo seddex kooxood oo Serie A ah ka hor suuqa kala iibsiga ee January.

Kadib markii dhawaan laga qaaday masuuliyada kabtanimada isla markaas laga reebay shaxda kooxda 1-aad sabab la xidhiidha dhaqan xumo uu sameeyay xiddia 32 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda suuqa January.

Sida ay haatan tahay Mikel Arteta ayaa sheegay in uuna wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalka xiddiga reer Gabon.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay ESPN, Kooxaha Juventus, Inter Milan iyo Ac Milan ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga marka uu furmo suuqa January.

Wararka ayaa sheegaya in ay 3-da kooxoodba ay qaab amaah ah ku doonayaan saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha mushaharka aadka u sareeya ee uu ka qaato Arsenal.

Leave a Reply