Marka Tacliintu Burburto, Dalkuna Waa Duma!

0
585

Mid ka mid ah, macallimiinta dhiga Jaamacadda dalka Koonfur Afrika ayaa ardaydiisa oo ka koobnayd heerarka aqoonta ee kala duwan ( Degree, Master iyo PHD) u qorey warqad uu kaga warramayo xaaladda kulliyadda uu dhigo ee jaamacadda Koonfur Afrika.

Professorka ayaa kelmadahan ku qoray warqadiisa: ” Burburka ummaduhu uma baahna atoomik Bam ( Nuyukliyer) iyo ganataalaha riddada dheer oo lagu baabiiyo.

Laakiin ogow waxa lagu baabiin karaa in hoos-u-dhac lagu sameeyo tayada waxbarasho iyo manhajka  dalka, ardaydana loo ogolaado in imtixaanka ay eegtaan ama qishaan.

Arinkaasi ayaa suuro-gelinaya in qofkii bukey ku hoos dhinto dhakhtar ku soo baasey Qish, dhismaha guryuhuna ku dumaan Engineer aqoon lahayn oo ku soo gudbay Qish, hantiduna ku lunto xisaabiye, ku soo Qish ku yimi.

Ixtiraamka Aadminimona  iyo caddaaladduna ku dayacanto garsoore isna aqoon sharci aan lahayn, balse ku soo gudbay Qish. Intaasi marka ay dhacdo waxa Jahligu ku fidiyaa Caqliyada dhallinyarada, kaas oo uu gaadhsiinayo macallin isaga lafterkiisuna ku soo gudbay Qish”. Burburka tacliintu waa Burburka ummadda. (Jamiiforums.Com)

 

 

Leave a Reply