Ralf Rangnick oo Doonaya in la Beddelo Sharciga Premier League & Qodobka uu Dhibsaday

0
766

horyaalka Premier League toddobaadyo kooban oo kaliya markii uu joogay Stamford Bridge, waxaana uu si gaar ah u dhibsaday hal qodob oo u gaar ah horyaalkan balse Yurubta kale aan ka shaqayn.

Ralf Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa doonaya in la beddelo sharciga Rangnick ayay kooxdiisu dib ugu soo noqotay tababarka kaddib markii loo baajiyey kulamadii Brighton iyo Brentford ee horyaalka, iyadoo ay dib ugu soo laabteen tiro ciyaartooyo ah oo uu kaga dhacay Fayraska Korona.

Toddoba ciyaartoy oo kaliya ayaa u caafimaad-qabay Manchester United markii loo baajinayay labadaas kulan, dhamaan ciyaartoyda kalena waxay ahaayeen kuwo uu Fayrasku haleelay oo karantiil ku jira iyo kuwo dhaawacyo qaba.

Ciyaartooda ugu soo horreysa waxay Isniinta la la ciyaari doonaan Newcastle Untied oo ay u tegi doonaan, waxaana Ralf Rangnick oo ka hor warbaahinta la hadlay uu sheegay inuu doonayo in wax laga beddelo qodob ku jira sharciga Premier League oo dhibaato ku ah dhamaan kooxaha Premier League waqtigan.

Horyaallada kale ee qaaradda Yurub oo dhan, waxa wali ka shaqeeya sharcigii la dhaqan geliyey sannad iyo badh ka hor ee kordhinayay tirada ciyaartoyda ay beddeli karaan kooxuhu, hase yeeshee Premier League ayaa kusoo noqday asalkiisii hore oo qodobkaas meesha ka saaray ka hor intii aanu bilaabmin xilli ciyaareedku.

Ralf Rangnick waxa uu doonayaa in laga saaro qodobka sharci ee saddexda beddel ee kaliya kooxaha u ogolaanaya, isla markaana laga dhigo shan beddel inta uu jiro Fayraska Korona, sida horyaallada kale.

“Shanta beddel waxa la hirgeliyey markii uu Fayrasku bilaabmay, waxaanay ila tahay inuu ahaa go’aan sax ah oo ciyaartoyda loogu ilaalinayo tamarta, gaar ahaan kuwa kasoo kabtay Covid. Xaaladda aynu ku jinro hadda, waxay ila mid tahay xaaladdii sannad iyo badh ka hor, sidaa daraadeed, anigu ma arko sabab shan beddel loo samayn waayo,” ayuu yidhi Ralf Rangnick.

“Inta aan ogahay, Yurub oo dhan, England ayaa ah waddanka kaliya ee saddex beddel la sameeyo, waxaanay ila tahay in shanta beddel ay caawimo wanaagsan yihiin.”

 

Leave a Reply