Habeenidii Cabsida Iyo Miisiga!

0
464

Ninka lagu magacaabay Axeman ee ka soo baxay  New Orleans ee dalka Maraykanka waxa uu ahaa dilaa Maraykan ah oo aad u firfircoon.  Waxa uu dadka ku dili jiray faash afweyn uu sitay wilaayada New Orleans, Louisiana, iyo bulshada ku nool deegaanada ku xeeran, oo ay u jirto Gretna. Horaantii sanadkii 1918, bishii May, ilaa la gaadhayay Oktoobar 1919, waxa jiray dilalka faashka ee axeman.

Cilmi-baadhayaal dhawaan baadhay ayaa warbixinnadan su’aal geliyay iyo dilalka faashka. Ninkan Axeman-ka weligii lama aqoonsan, dilalkiina weli lama xalkooda lama gaadhin. Dilalka waxa inta badan uu bartilmaameed ka dhigtay bulshada soo-galootiga Talyaaniga ah iyo Talyaani-Maraykanka.

Ninkaasi oo loo yaqaanay Axeman (Faashle) waxa yaab ahayd in goobaha uu muusiga iyo qoob ka cayaarku ka socdo aanu qofna ku dili jirin ee uu iska dhaafi jiray, iyo weliba qofka miisiga dhegaysanaya hadduu keligii yahay xataa.

Ninkan ayaa habeenkii dilka geysan jiray isagoo qof kasta oo uu arko faashkaasi ku dili jiray. Dad badan ayaa u haystay inuu yahay shaydaan laakiin booliiska ayaa cadeeyay inuu yahay nin caadi oo inta badan goobaha madow dadka ku dila. Sida booliisku cadeeyeen 6 ilaa 7 qof ayuu dilay isagoo dhaawacyo u geystay  kuwo kale.

March 13, 1919, warqad la sheegay in ay ka timi Axeman ayaa lagu daabacay wargeysyada, isagoo sheegay in uu mar kale dilal geysanayo caawa marka saacaddu tahay 12:15 saqda dhexe, laakiin aanu waxba ku dilayn meel kasta uu jaas ka socdo, oo uu iska dhaafi doono.

Habeenkaas dhammaan hoolalka qoob ka ciyaarka ee New Orleans waa la buuxiyey si xad dhaaf ah, iyo kooxaha xirfadleyda iyo hiwaayadda ayaa ee jaas-ka , ayaa  ku ciyaarayey xaflado boqolaal guri oo magaalada ah lagu qabtay si looga nabad galo dilaaga faashlah ah e Miisiga jecel.  Habeenka waxa meel kasta ka baxayay miisiga iyo jaaska, ilaa intii uu waagu ka beryayay.

Booliiska ayaa u hawl galay qabashada Axeman laakiin haddana kumay guulaysn inay qabataan, lamina garanayo meel uu ku danbeeyay.

Leave a Reply