Shaxda ugu Fiican Qaaradda Afrika Sanadkan 2021 oo lasoo Saaray

0
495

Xidhiidhka uruurinta xaqiiqooyinka kubada cagta ee (IFFHS) ayaa soo saaray shaxda ugu fiican qaarada Africa ee sanadka 2021 oo haatan ku jira todobaadyadii ugu dambeeyay.

IFFHS ayaa bogooda ku shaacisay shaxda ugu fiican ee xiddigaha qaarada Africa iyada oo kooxda Liverpool ku leedahay 4 xiddig marka lagu daro xiddigaha kaydka ee shaxda ugu fiican.

Xiddigaha ka ciyaara qaarada Yurub ayaa ugu badan shaxda iyada oo kaliya hal xiddig oo ka ciyaara qaarada Africa ku jiro shaxda ugu fiican qaarada ee sanadka 2021.

Shaxda ayaa imanaysa todobaadyo ka hor bilaabashada tartanka qaarada Africa kaas oo bilaaban doona bisha January ee soo socota ee sanadka cusub.

Leave a Reply