Dameerka ay hooyadii diidey oo Eyda la nool

0
718

Dameerkan yar oo ay diidday hooyadiis ayaa u muuqda mid si la yaableh ula qabsaday habdhaqan ka duwan kii lagu yaqaannay, isaga oo ku barbaar beer ku taal Lincolnshire. Dameerakn oo lagu magacaabo Kye ku nool meel deddan, kaddib markii hooyadii ay dayrisay, wuxuuna la nool yahay Ey.

John Nuttall, oo qoyskiisu ay dameeraha ku dhaqanayeen xeebta Skegness muddo qarni ah,  ayaa sheegay in Kye uu leeyahay dabeecad ka duwan tii lagu yaqaannay.

“Maalintii oo dhan wuu la cayaaraa eeyaha, wuuna i soo raacaa marka aan u tago, wuxuu u malaynayaa inuu yahay Ey,” ayuu yidhi Mr Nuttall.

Ka dib markii ay diiday hooyadiis, mid labaad ayaa la damcay in lagu sidko si ay u quudiso dameerkan yar, balse way diiday.

Sidaa darteed, iyada oo la kaashanayo khabiirka dhanka Eyda ah Gražina Pervenis, Kye waxa lagu quudiyaa hab ka duwan sidii caadiga ahayd taas oo ah quraarad loogu shubo caanaha.

 

Mr Nuttall wuxuu yidhi: “Saaxiibkey ayaa soo qaaday isaga oo dhal ah si uu koriyo, socodkana u baro, aniga ayaana ka qaaday oo ku hayey gurigayaga isaga oo yar, oo labadii saacadoodba mar ku quudin jiray dhalo caano ku jiraan – maalin iyo habeen.

“Waxaan ugu dambeyntii ku guuleystey inaan dibadda u soo saaro – isaga oo keligiis ku jira meel xasillan – oo wata dhalo caanaha lagu siiyo, laakiin weli waxay ahayd inaan soo baxo saddexdii saacadoodba mar oo aan buuxiyo dhaladaas, si uu caanahaas u cabbo” ayuu raaciyay.

 

XIGASHLADA SAWIRKA NUTTAL

Mr Nuttall waxa uu sheegay in Kye – oo ka mid ah 70 dameer oo ku sugnaa beerta qoyska ee Nuttalls – uu hadda aad u kobcay oo koray, laakiin “uu jecel yahay inuu dadka iyo Eyda ag joogo”.

“Waa xayawaan lala noolaan karo, laakiin kan yar oo had iyo jeer ila jooga, wuxuu jecel yahay inuu i soo raaco markaan meel tegayo” ayuu raaciyay.

 

Leave a Reply