Horyaalka Horyaallada:Kooxaha Goodir Hargeysa iyo Goodir Saaxil oo isku Barbar Dhacay

0
786

Tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo ka socda xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, isla markaana galay maalintii afraad ee wareegga koowaad ee horyaalka, ayaa shalay waxa wada ciyaaraha kooxaha Goodir Marood-jeex iyo Goodir Saaxil oo ka wada tirsan guruubka D.

Ciyaartan shalay dhexmartay kooxaha Goodir Marood-jeex iyo Goodir Saaxil ayaa ahayd mid aad u adag, maadaama oo ay labada kooxood ee labada gobolba u ciyaara Goodir ay ka mid yihiin kooxaha ugu adag ee ka dhisan gobollada Somaliland.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay labada kooxoodba muujiyeen ciyaar wanaag ay soo bandhigeen kubad xamaasad leh, isla markaana xiiso gelisay taageerayaashii labada kooxood iyo dadweynihii kale ee ka qaybgalay daawashada ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta labada kooxood ee Goodir Maroodi-jeex iyo Goodir Saaxil oo ay sameeyeen labada naadiba isku day badan oo ay gool ku raadinayeen ay hogaanka ku qabtaan, aanay u suurogelin labadooduba inay shabaqa soo taabtaan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ku bilaabantay dardar ay ku muujiyeen, kuna soo bandhigeen garoonka Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera.

Daqiiqadii 53aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Goodir Maroodi-jeex ay dhalisay goolkeedii koowaad, isla markaana ku qabteen hogaankii ciyaarta.

Daqiiqadii 80aad isla qaybtii dambe ee ciyaartay ayay kooxda Goodir Saaxil keentay goolkoodii barbar dhaca, waxaanay ciyaartu noqotay 1-1, taasoo ay ciyaartuna ku idlaatay oo ay dhibcaha ku qaybsadeen labada kooxood Goodir M-jeex iyo Goodir Saaxil.

 

Leave a Reply