Dhulka Si Deggan U Tallaabso

0
438

Dhulka Si Deggan U Tallaabso!

Imaam Axmad Binu Xanbal oo caalim iyo imam ahaa, Baqdaad degenaa, ayaa maalin suuqa tegay, waxaana uu ka soo iibsaday Xidhmo xaabo, markiiba garabkiisa ayuu saartay.

Dadkii garanayay in uu y caalamkii Imaam Axmed Binu Xanbal yahay, waxa ay ka soo baxeen meheradaha, dadkii dariiqa marayayna waa ay istaageen, waana salaamayeen. Waxaana ay ka codsanayeen in ay u qaadaan xaabada Sheekha Imaamka ah.

Imaam Axmed (AHN), waxa uu ruxay gacantiisa,wejigiisu waa uu is bedelay, indhihiisana waa ay ilmeeyeen isagoo diidan in loo qaado xaabadiisa. Waxaana uu yidhi :” Waxa aynu nahay bulsho faqiir haddii aan Allah (sw) ina Asturin, xumaanteena soo bixi lahayd”. Kitaabka : (Rasaa’il Minu Qur’aan   page 38)

Leave a Reply