Toban Saxeex oo la Filayo inay Dhacaan Suuqa kala Iibsiga January

0
675

Suuqa January ayaa si Rasmi ah u furmi doona todobaadka dambe kooxaha iyo tababarayaasha ayaana ku mashquulsanaan doona sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Suuqii January ee la soo dhaafay ayaan ahayn mid mashquul badan iyada oo ay dheceen kaliya saxeexyo u badan amaah oo aanay kooxo badan lacag badan suuqa galin.

Laakiin suuqa January ee sanadka soo socda ayaa la filayaa in uu noqdo mid mashquul badan iyada oo ay kooxuhu suuqa galin doonaan suuqa soo socda.

Haddaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigaynaa tobanka saxeex ee laga yaabo in ay dhacaan suuqa January.

Pierre-Emerick Aubameyang -> Barcelona:

Kadib markii masuuliyada kabtanimada laga qaaday xidiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tagayo kooxda Arsenal iyada oo Barcelona doonayso saxeexa xiddiga reer Gabon.

Barcelona ayaa Pierre-Emerick Aubameyang u doonaysa in ay ku hesho qaab amaah ah si ay ugu buuxiso booska Sergio Aguero kaas oo ciyaaraha ka fadhiistay.

Aaron Ramsey -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay xiddigo khibrad leh ku soo kordhiso khadka dhexe waxaana ay doonaysaa in ay dib u soo celiso xiddigeedii hore ee Aaron Ramsey kaas oo uu Mikel Arteta doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa.

Xiddiga Ramsey ayaa dhankiisa u furan in uu ku soo laabtay Arsenal waxaanay Juventus doonayso in ay iska fasaxdo xiddiga si ay meesha uga saarto mushaharkiisa.

Franck Kessie -> Manchester United:

Tababare Ralf Rangnick ayaa doonaya in uu xoojiyo khadka dhexe ee qaybta dambe ee xilli ciyaareedka waxana uu doonayaa xiddiga kooxda Ac Milan ee Franck Kessie kaas oo ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Ac Milan.

Man United ayaa saxeexa Franck Kessie u adeegsanaysa xiddigaha Eric Bailly iyo Amad kuwaas oo ay isku xul yihiin una wada ciyaaraan xulka Ivory Coast.

Eden Hazard -> Premier League:

Wakhtiga Hazard ee Real madrid ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya iyada oo uu xiddiga reer Belguim wali ku dhibaatoonayo kooxda Real Madrid sabab la xidhiidha dhaawacyo.

Xiddigii hore ee chelsea ayaa lagu soo waramayaa in suuqa la dhigay iyada oo Real Madrid doonayso in ay iska iibiso xiddiga marka la gaadho suuqa kala iibsiga kadib markii uu ku fashilmay kooxda waxana Hazard lala xidhiidhinayaa kooxaha Newcastle United iyo Chelsea.

Nicolas Pepe -> Amaah:

Xiddiga Nicolas Pepe ayaa si weyn ugu dhibaatoonaya kooxda Arsenal isaga oo ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta xilli ciyaareedkan isaga oo ka dambeeya xiddigaha Bukayo Saka, Emile Smith Rowe & Gabriel Martinelli.

Arsenal ayaa ku dhibaatoon doonta in ay xiddiga si toos ah u iibiso suuqa January sabab la xidhiidha in ay doonayso in dib u soo celiso lacagtii ay ka soo bixisay.

Sidaas darteed Arsenal ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah ku fasaxdo si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isla markaas lacag fiican ku iibiso xagaaga.

Anthony Martial -> Sevilla:

Xiddiga Anthony Martial ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda Man United si uu u helo koox uu si joogto ah ugu ciyaari karo kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro koox uu si joogto ah ugu ciyaaro qaybta dambe ee xilli ciyaareedka dambe.

 

Leave a Reply