Qoyska ugu ballaadhan Shiinaha oo carruurta la dhibtoonaya

0
547

Liu Xiangy oo 58 jir ah iyo xaaskiisa Yi Mamei oo 40 jir ah waa waaalidka dhalay toban carruur ah. Waa laba waalid oo aan  waxba baran oo waxay ku nool yihiin guri cidla ah. Waa shan wiil iyo shan gabdhood – ilmihii 11-aad ayaa ka dhintay kadib markii uu ku qaraqmay barkhad biyuhu galaan xilliga roobka oo ku taaal guriga dabadiisa.

Toban carruur ah waa wax lala yaabo gaar ahaan waddanka Shiinaha ooah waddan siyaasadiisu tahay in hal ilmo uu dhalo qoys kasta.

Liu Xiangy iyo xaaskiisa Yi Mamei waxay is qabee n 22 sano, waxay ku nool yihiin aqal ku yaala magaalada Chefang ee bariga Shiinaha ee gobolka Jiangsu. Carruurta ay dhaleen sharciga way khilaafsan yihiin, sidaa awgeed wax xidhiidh ah lamay samayn maamulka.

Ma garanayaan waxay sameeyaan, mana yaqaanaan wax loogu yeedho ka hortagga uurka, la sheegay in ay dad badan oo Shiinaha ahi sameeyaan. Weliba labada carruur ah ee dhowaan dhashay waa mataano.

Carruurta ay dhaleen lamaanahani waxa ah laba gabdhood oo da’doodu kala tahay 22 jir iyo 16 jir ah: Liu Huan oo 22 jir ah iyo Liu Min oo 16 jir ah.

Waxa ku xiga Cheng gabadh 13 ah, Liu Xiaoxiao, 11, iyo laba wiil oo kale, Liu Peng, 10, iyo Liu Chang, 7. Laba wiil oo kala ah, Liu Zhuang, 5, Liu Jian, 4, iyo sidoo kale laba gabdhood oo mataano ah oo dhawaan dhashay.

Ilmaha toddobaad, oo ahaa wiil, Liu Zhuang, ayaa ku qaraqmay isaga oo shan jir ah, hooyadiisna waxay sheegtay inay maalin kasta ka oydo dhimashadiisa. Waxay leeyihiin guri yar oo hal qol jiif ah waxaana ku nool labada waalid iyo carruurta yaryar.

Qoyska intiisa kale waxay degan yihiin beerta oo hadheeda ay ka dhisteen meel ay galaan.  Arrinta haatan soo korodhay ayaa waxay tahay mustaqbal reerka  oo khatar ku jira sababta oo ah Liu wuu bukooday.

Markii uu daaweyn u doontay mas’uuliyiintu waxay ogaadeen qoyskiisa ballaadhan oo jebiyay sharciga adag ee ah in hal ilmo oo keliya dalka oo dhan laga ogol yahay.

Ilaa hadda Liu waxa uu noloshiisii ​​ku deberaa isaga oo ururinaya oo iibinaya qashinka, sida Iskaraabka. Hadda waa uu xannuunsaday, saddex ka mid ah carruurta ayaa lacag la’aan darteed uga tagaya waxbarashadii.

Saraakiisha xisbiga shuuciga ee Shiinaha ayaa sheegay in aanay wali go’aansan in lamaanahan la ciqaabi doono iyo in kale.

Laakiin Aabe Liu, la’aanta aanu haysan samafal dhinaca caafimaadka ah ayaa ciqaab ugu filan: ‘Ma garanayo sida aan u quudin doono qoyskayga.

“Waxaan kala hadlay xaaskeyga inaan qaar ka mid ah carruurta u soo bandhigno cid korsata, laakiin uma dulqaadan karno in ay naga tagaan, waayo aad ayaan u jecelnahay.” Ayuu yidhi Liu.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in aanay garanayn goorta uu Liu ku soo noqon doono cagihiisa isaga oo caafimaad qaba, waxay leeyihiin: ‘Daal ayuu la madhay, toban carruur ah ayaa quudiyaa mana nasato  shaqadiisu waa toddobada maalmood ee usbuucii, sannadba, sannad ayuu u dhiibaa’.

Haatan  lammaanaha, waxay ‘qaadan doonaan tallaabooyin’ ay ugu horayso sidii ay uga fogaan lahaayeen uurka mustaqbalka  ah.

Leave a Reply