Xikmadaha Maanta

0
689
  • Xikmaddu waa inaad garato waxa aad samayn doonto, xirfadduna waa inaad fahanto qaabka aad u samaynso, guushuna waa inaad hawsha ku dhaqaaqdo
  • Garashada xaqa ayaa xikmad ugu horaysa
  • Dadku waxa u muuqda dhaawaca korkaaga ku yaal, laakin xanuunka uu kugu hayo adiga keliya ayaa og.
  • Halis aad hal mar waajahidid, ayaa ka wanaagsan cabsi joogto ah.
  • Caqliga inta kaa maqani waxay ku jirtaa walaalkaa ee la tasho.
  • Haku mashquulin wax aanad haysan, si aanad u waayin waxaad haysato.
  • Wakhtigu qofna ma bedelo, laakiin wakhtigu wuxu muujiya xaqiiqda qofka.
  • Dadka dhamaantii hakula dhaqmin dabeecad keliya oo isku mid ah waayo cudurada ma kaxayso dawo keliya.
  • Biyaha macaan ee samada ka soo da’aa waxba kama bedelaan biyaha dhanaan ee badda, kalsooni nafta sii, adiga ayaa isbedeli karaa, laakiin cidna kuma bedeli karto.

 

 

 

Leave a Reply