Coutinho oo Shandaddiisa u Xidh-xidhay Premier League & Liverpool oo lagaga Horreeyo Saxeexiisa

0
436

Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa maalmihii ugu dambeeyey noloshiisa ku qaadanaya magaalada Barcelona ee waddanka Spain, waxaana uu u xidh-xidhanayaa horyaalkii uu ka yimid ee Premier League oo uu dib ugu noqonayo.

Philippe Coutinho oo kursiga kaydka Barcelona ku niyad-jabsan, isla  markaana uu Xavi Hernandez ka doorbiday ciyaartooyo da’ yar ah oo uu dunida barayo, ayaa waxa lagu daray liiska ciyaartoyda ay kooxda reer Spain ka dirayso Camp Nou suuqa bisha January.

29 jirkan ayaa hore loogu wargeliyey in aanu ku jirin qorshaha Xavi, sidaa darteedna uu go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa isaga oo kala shaqaynaya Barcelona sidii uu u heli lahaa koox kale oo uu u wareego.

Tottenham Hotspur iyo naadigiisii hore ee Liverpool ayaa la sheegay inay xiisaynayaan, hase yeeshee waxa soo baxday koox kale oo labadoodaba kaga horreysa, taas oo la rumaysan yahay inay qaadday tallaabooyin ay labada kooxood ee kale ku garaacayso saxeexa Philippe Coutinho.

Sida uu qoray wargeyska Sport, wakiillada Coutinho ayaa ku sugan magaalada London ee waddanka UK, waxaanay wada-hadallo kula jiraan Arsenal oo uu tababare Mikel Arteta dedaal badan ku bixinayo sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa Philippe Coutinho.

Warku waxa uu intaa ku daray, in Barcelona oo khaati ka taagan mushaharka badan ee Coutinho, inay ogolaanayso inay waxyar oo faro guudkood ah ku fasaxdo kubbad-sameeyahan oo 18 bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa Camp Nou.

Leave a Reply