Horyaalka Horyaallada: Waxool oo Garaacday Kooxda Maaliyadda Buuhoodle

0
382

Tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo ka socda xarunta gobolka saaxil ee Berbera ayaa maraya meel aad u xiiso badan, waxaana shalay kulan ku dhexmaray kooxaha Waxool Hargeysa iyo Maaliyadda Buuhoodle.

Kulankan labada kooxood ee Waxool Hargeysa iyo Maaliyadda Buuhoodle ayaa ahayd mid aad u xiiso badan oo raali gelisay taargeerayaashii labada naadi kala watay.

Qaybtii koowaad ee ciyaarta oo ku bilaabantay xamaasad ayay labada kooxoodba isku dayeen inay dhaliyaan goolkooda koowaad ee ay hogaanka ku qabtaan.

Daqiiqadii 34aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda Waxool Hargeysa dhaliyeen goolkoodii koowaad oo ay hogaanka kula wareegeen, waxaana goolkaas u dhaliyay laacibka Maxamed Dabaakh oo lambarka 2aad u qaata kooxda Waxool Hargeysa, waxaanay ciyaartu noqotay 1-0 ay Waxool kula wareegtay hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 40aad ee isla qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda Waxool markale shabaqa soo taabatay, waxaanay ciyaartu noqotay 2-0 ay hogaanka kusii dheeraysatay kooxda Waxool Hargeysa, waxaana u saxeexay laacibkooda Muuse Koos oo lambarka 17aad u qaata kooxda.

Waxaanay ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaartu 2-0 ay hogaanka ku haysay kooxda Waxool Hargeysa.

Qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay labada naadi kusoo galeen dardar, gaar ahaan kooxda Maaliyadda Buuhoodle oo samaysay isku day badan oo ku doonayeen inay ku keenaan goolasha hogaanka lagaga hayo.

Kooxda Waxool Hargeysa ayaa adkaysatay difaaceeda, isla markaana nidar ku gashay inay ilaashato goolasheeda. Ugu dambayn waxay ku idlaatay 2-0 ay guushu ku raacday kooxda Waxool Hargeysa.

Leave a Reply