Deegaan Baddeedka iyo Nooleyaasha kala Duwan ee ku nool Gunta Hoose Badda

0
599

Deegaanka Badda waxa ku nool boqol iyo todobaatan iyo siddeed kun (178.000) oo nooc 00 ah noole kala duwan, kana kooban xayawaan iyo dhir, Deegaan badeedku waxa uu ina siiyaa cunta, kalluun iyo Biyo, ku waas oo ay ku tiirsan yihiin noloshooda Malaayin Qof oo ku nool Adduunka, sidoo kale Deegaanku waa marinka ugu muhiimsan oo ay iskaga kala gooshaan (gudbaan) badeecadaha ganacsiga caalamika Boqolkiiba 90%

Dhirta deegaan badeedku waxay bixisaa hawada ogsijiinta (Opxygeen) oo noolal kala duwan u baahan yihin sida Bani-Aadamia oo neefsigoodu ku xiran yahay.

Deegaan badeelku wuxuu qayb-weyn ka qaatan, hagaajinta cimilada sii xumaaneysa, ee adduunka, waayo kaarboonka ugu badan ayey dhirta Baddu ka soo nuugaan kuleeyika ka yimaada qorxda, wana kuwa ugu badan ee qaata Tamarta kulayłka ee ugu hadan ee dhulka ku dhaca

– Ahmiyadda Deegaan Baddeedka:

Waa maxay deegaan baddeedku?

Deegaan baddeedku waa inta ku wareegsan oo ka kooban Noole iya Ma Noole, waxaana ka dhexeeya xiriir is dhexgal, waxayna isku leeyihiin saamayn midba midka kale.

Haddii aan si kale u dhigna nolosha noolahu waxay ku tiirsan tahay kuwa aan noolayn sida Hawada, Qoraxda, Dhulka iyo Biyaha.

Deegaanka Buddu waa midka ugu weyn uguna Ballaaran Adduunka deegaan ahaan, waxaana la ogyahay inuu ka yahay dhulka markii loo qaybiyo Saddex gaybood labo ka mid ah, kuna fadhiya dhul gaareya (140-milyan/km) ama (360.m km), iyadoo celcelis ahaan biyaha guntooda lagu qiyaaso kuwo gaardha ilaa (3.8km) ama (12500.feet).

Deegaanada biyuhu waa kuwa ugu badan Adduunka, Halka biyaha badduna ka yihiin boqolkiiba Sagaashan iyo Todoba (97%), Biyaha kale ee macaani wan boqolkiiba saddex (3%).

Biyaha baddu waa kuwo ay milixdu ku badan tahay, waxayna la eg yihiin boqolkiiba saddex iyo bar (3.5%) in ay tahay cusho ku millan, in kastoo Badaho caalamku isku milix ahayn, haddana cel-celis ahaan ayaa loo quutaa.

Tusaale ahaan, hal littir oo biyaha badda ah haddii aad soo qaato, ka dib aad kulayliso waxaa kaaga soo baxaaya soddon iyo shan garaam(35gr) oo cusbo ah.

sa kastaba ha ahantee, Deegaanka Baddu waa hoyga Noolaha ugu badani ku nool yihiin dhulka korkiisa, kana kooban noocyada noolaha sida Dhir iyo xayawaanba, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba siddeedan (806) in ka badan in ay ku nool yihiin, deegaan badeedka.

Leave a Reply