Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadlay  wajiga cusub ee Xanuunka Covid 19

0
293

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ka hadlay  wajiga cusub ee Xanuunka Covid 19 ee ka bilaabmay dalka Koonfur Afrika oo aduunka ku faafay.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay in dalka Somaliland uu hoos dhac ku yimid Xanuunka Covid 19 bilihii Octoober, November iyo December.

Agaasimaha guud oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xanuunka Covid 19 waxa uu noqday mid marba  Wajiyo cusub la imanaya, sida aynu la wada socono Wacyigalinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland ay waddo, waxa jira xanuun cusub oo ka bilaabmay dalka Koonfur Afrika oo dunida wada gaadhay, inagana muddooyinkii ugu dambeeyay aad ayuu u hooseeyay, xanuunka Covid 19, waxaana uu aad u yaraa bilihii October, November iyo December, hadana waxa aad moodaa in kor u kac uu jiro oo aad badnayn oo aynu dunida la qabno”.

Sidoo kale Agaasimaha guud ayaa waxa uu sheegay inta qof ee maalin kasta laga baadho Xanunka Covid 19. Waxaana uu yidhi “Marka maalintii ilaa 200 qof la baadho ilaa 8 qof ilaa 9 qof ayaa laga helaa taas oo aad arkayso in kor u kac uu jiro xanuunkani waa fayras, mar ba waji cusub ayuu la soo baxaa, xanuunka arinta muhiinka ahi waxa weeye in talaalku wax weyn ka tarayo  xanuunkan Coronavirus, waana ay yar yihiin dadka u baahan in Cisbitaal la jiifiyo, waxaana dadka lagu daweeye qaybo ka mida Cisbitaalka, iyada oo  Gobalada Cisbitaalada ku yaalaana ay diyaar yihiin”.

hadlay  wajiga cusub ee Xanuunka Covid 19 ee ka bilaabmay dalka Koonfur Afrika oo aduunka ku faafay.

Leave a Reply