Dhacdooyin Run Ah Oo Filimo

0
730

Dalka Austeraliya bishii Diisambar 21, sanadkii 2003,  saddexda nin ee dhalinyarada ah, Ashley McGee, Sean Blowers, iyo Brett Mann ayaa Socdaal ku tegay Waqooyiga dalkaasi Australia iyagoo go’aansaday in ay ku soo dabaashaan biyaha wabiga Venedik.

Intii ay ku jireen wabiga, waxaa weerar halis ah ku soo qaaday Yaxaas xooggan kaasi oo biyaha hoostooda ka soo baxay isla markaana aanay filayn. Ashley iyo Shawn labadooduba way ka badbaadeen ka dib markii ay koreen geedo u dhow oo aan kaba fogayn. Laakiin waxa uu qabsaday Brett Mann oo ay markiiba waayeen.

Dhowr daqiiqo ka dib, Yaxaaskii ayaa dib ugu soo laabtay isagoo hadhaaga jidhka dhintay ee Brett afkiisa ka sii muuqdo. Yaxaasku wuxuu doonayay inuu iyagana soo weeraro, waxaana uu hoos joogay geedkii ay koreen 22 saacadood oo xidhiidh ah, iyagoo ku xannibmay labada dhalinyarada ah ee Shawn iyo Ashley. Laakiin nasiiib wanaag waxa markii danbe badbaadisay oo u timi dayuurad helikobtar.  Wiilka dhintay maydkiisa xataa lafihiisa lama helin mar danbe. Qisadan oo dhab ahayd waxa laga sameeyay filimka Biyihii Madoobaa

Leave a Reply