Kansarka Afaafka Ilmo Galeenka (Cervical Cancer)

0
758

Hargeysa (Dawan) Qeybta u dhexeysa godka xubinta taranka iyo (Makaanka ama minka) waxaa loo yaqaanaa Cervix, Kansar ku dhacda qaybtaan ayaa sababa in si aan caadi ahayn ay u koraan unugyada kuyaalaha ilmo galeenka, tani waxay sababtaa in uu isbadello qaab dhismeedka iyo shaqada caadiga ee ilmo mareenka.

Kansarka noocaan ah wax uu kamid yahay xannuunada ugu khatarta badan ee ku dhaca dumarka gaar ahaan xubnaha taranka.

Si lamid ah xannuunada kale ee ku dhaca xubnaha jidhka, waxa habboon in si deg deg ah wax looga qabto, marka uu Kansarku bilow yahay, inta Kansarka aanu kusii fidin xubno kale oo jidhka kamid ah.

 

Maxaa sababa Kansarka ku dhaca ilmo Galeenka?

Kansar ku dhacda ilmo galeenka waxaa inta badan sababa feyruska loo yaqaano Human Papilloma Virus, kaasoo la isagu gudbiyo galmada.

Feyruskaan ayaa leh noocyo badan oo dhammaantood aan wada sababin xanuunkaan Kansarka eek u dhaca ilmo galeenka.

Marka ugu horraysa ee uu feyruskaan ugudbo ilmo mareenka waxaa uu sababi karaa marxalada loo yaqaano genital warts oo ah in buro ama boogo yaryari ay kasoo baxaan xubnaha taranka, taasoo ugu danbeyn sababta Kansarka ku dhaca ilmo galeenka.

 

Waa maxaa astaamaha lagu garto?

Bilowga xannuunkaan ama marka uu isbadal yari ku dhacayo qaabta taranka unugyada ee ilmo mareenka inta badan malaha wax astaan ah oo muujinaya curashada xannuunkaan.

Marka ay bataan oo heer gaadhaan isbaddelka unugyada waxaa ku yimaada astaamo kuwaas oo isagu jira kuwo khaas ah iyo kuwo lagu khaldi karo xannuuno kale.

Astaamaha inta badan la arko marka uu Kansarkan soo ifbaxo waxaa kamid ah.

 

Dhiig ka yimaada Xubinta taranka ee dumarka kaas oo ah mid aad ugu tira badan kan xilliga caadada.

Xanuun laga dareemo qeybta hoose ee ubucda ama miskaha iyo macdanta gabadha.

Haweeynada oo aan u adkaysan karin macamilka iyada iyo sageeda, taas oo ah mid aad u xanuun badan.

Dheecaan isagu jira biyo iyo malax oo ka yimaada xubinta taranka ee gabadha, keenta ur hor leh.

 

Waxaa kaloo macquula in dhiig lagu arko kaadida ama saxarada in kastoo aanay ahayn xaalad lada dareemo.

Dhiig ka yimaada haweenayda, xilliga macaamilka iyada iyo sageeda.

Waxaa la sameeyaa baadhitaan loo yaqaano Pap test kaas oo ujeedadiisu ay tahay in la soo xoqo ilmo mareenka si loo ogaado isbadalka ku dhacay unuyada uu ilma mareenku kasameysan yahay.

Habkaan ayaa ah mid aad loo isticmaalo kana caawiya dhakhaatiirta inay kala saaraan calaamadaha khaaska ah ee xannuunkaan iyo kuwa guud ee uu la wadaagi karo xanuuno kale.

Hadii uu dhakhtarku arko in xannuunkaan uu yahay bilowga kaankaradaan waxaa uu sii sameeynayaa baadhitaano kale kuwaas oo la xadhiidha wajiga uu xanuunkaan ku jiro.

 

Kansarkaan ayaa ah mid taxadarkeeda leh maadaama haddii ay gaadho, heer, ay ugu fidi karto xubno badan oo kamid ah jidhka iyadoo ugu gudbinaysa hab wareega dhiiga.

Waxaana mar walba la doorbidaa in xannuunkaan la daweeyo marka kaankarada aysan weli kagudbin ilmo mareenka.

 

 

Talo

Hadaad isku aragto wax calaamad ah oo muujinaya xanuunkaan fadlan booqo dhakhtar, haka xishoon wax caafimaadkaaga dani ugu jirto

Leave a Reply