Talooyin Gabadha ka Caawinaya Isu Dheelli tirka Shaqada iyo Nolosha Qoysnimo

0
410

Hargeysa (Dawan) Qof kasta oo shaqeeya oo qoys ahi, rag iyo dumarba waxa ugu weyn ee uu maanta ka fikiraa waa isu dheelli tirka shaqadiisa iyo noloshiisa shakhsiga ah, si gaar ahna dumarka shaqeeya dhibaatooyinka ugu waa weyn ee soo foodsaaraa waa isu dheellitirka habboon ee shaqada iyo nolosha shakhsiga ah iyo weliba masuuliyadaha ka saaran daryeelka iyo farxad gelinta ubadkeeda, ama baahiyaha kaga xidhan in ay noqoto hooyo hal-beeg ah isla markaana ah shaqaale ku dayasho mudan.

Qormadan oo aynu soo turjunay waxa ay soo bandhigaysaa hababka ugu habboon ee ay khubarada cilmiga bulshadu sheegaan in ay hooyadu isu waafajin karto gudashada masuuliyadaheeda qoysnimo iyo xilka shaqo ee saaran, waxa aana ka mid ah:

Maamulidda waqtiga: Waqtiga oo si sax ah loo maamulaa waxa ay ka mid tahay arrimaha ugu mudan duruuf kastaba, sidaa awgeed ilaali jadwalkaaga shaqo, dadaalkaaga ugu fiicanna shaqadaada geli, waa se’ marka saacadaha shaqada lagu jiro, si ay kuugu suurtogasho in shaqadaada aad ku dhammaystirto inta lagu gudo jiro waqtiga shaqada.

 

Ha Ka Habran ‘Maya’ da: In qofku hawsha aanu waqti u hayn ama qaban karin diidaa dembi kuma aha masuuliyadihiisa shaqo, marka ay tahay gabadh shaqaale iyo hooyo wada ahina waa ay ka sii xag jirtaa, sidaa awgeed in aad xoogga saarto masuuliyadahaaga xirfadeed ee gaarka ah, iyo isla markaana hawlahaaga qoys ee gaarka ahi waa sida ugu habboon ee aad kaga farxin karto qalbigaaga iyo ubadkaagaba. Taasina waxa ay ku iman kartaa marka aad shaqadaada ku koobto waqtiga shaqada, qoyskana waqtigooda aanad shaqadii u soo gudbin, haddii aynu si kale u nidhaahnana waa marka aanay shaqadaadu guriga u soo gudbin. Hababka aad kaga baxsan kartana waxaa ka mid ah in shaqada dheeraadka ah ee aan waajibaadkaaga ahayn aad iska joojiso.

 

hawl kasta qabashadeeda ka horreysii in aad daraasayso jidadka ama wejiyada kuu furan: Tiknoolajiyadda casriga ah iyo hab-nololeedka dunida ku soo kordhay waxa uu waayadan dambe keenay arrin aynu ku magacaabi karno, Meel-fog-ka-shaqayn oo ah in qofku isaga oo jooga gurigiisa ama meel kale oo aan xaruntii shaqada ahayn qaban karo shaqadiisa.

Waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood dabacsanaanta goobta shaqadu ay dan u tahay qoyska gabadha, oo tusaale ahaan in ay gurigeeda ku dhex shaqaysataa ay leedahay faa’ido ah in ay ubadkeeda dhex joogto, sidoo kale waxaa iyaduna suurtogal ah in ay gabadha u fiican tahay in ay kala saarto shaqada iyo waajibaadka guriga. Sidaa awgeed waxaa gabadh u fiican in ay ka fikirto habka ugu fudud ee ay u shaqayn karto, haddii ay tahay labada hab ee aynu sheegnayiyo haddii ay jiraan jidad kale oo u furan in ay shaqadeeda ku gudan karto oo ay u aragto in ay ku habboon yihiin xaaladdeeda qoys.

Wanaaji xidhiidhka aad la’ leedahay maamulahaaga shaqada: Maamulahaaga shaqadu waa ruuxa ugu habboon ee kuu fududayn kara hawlahaaga shaqo, sidaa awgeed ku dadaal in aad waajibaadkaaga shaqo uga soo baxdo sida ugu habboon si aad u raalli geliso maamulka kaa sarreeya, taas macnaheedu ma’aha sida ay dadka qaar u fahmaan in aad waajibaad dheeraad ah isa saarto, balse waa in aad tusto in meel kasta oo aad joogto iyo saacado kasta oo aad isticmaashaba aanay shaqadaadu hoos u dhac keenayn, si ay taasi kuugu suurtogeliso in uu shaqadaada ku kalsoonaado sidaa darteedna aanu dabagal iyo culays gaar ah kuu saarin, aadna aad fursad ugu hesho qoyskaaga.

 

jidhkaaga dhawr: Hurdo kugu filan seex, si fiican oo caafimaad qabtana wax u cun. Sidoo kale ka faa’idayso fursad kasta oo aad jimicsi jidheed ku samayn karto. Arrimahan waxa ay kaa ilaalinayaan caajiska, iyo diiqadda badan, waxa aanay kor u qaadayaan dulqaadkaaga iyo in aad dadka is fahamtaan.

 

Fasaxa toddobaadka qorshe ka yeelo: In toddobaad kasta maalin ama laba fasax ah la yeesho ujeedadeeda ugu weyni waa in aad soo ceshato tamarta kaa baxda iyo in aad xiise u yeelato shaqadaada iyo qoyskaagaba. Haddaba waxaa habboon in qofku uu smaaysto jadwal-hawleed uu toddobaadka dhexdiisa sii dejisto oo ah waxa uu ugu talogalay in uu qabsado maalmaha fasaxa ee toddobaadka iyo sidoo kale fasaxyada sannadlaha ah.

 

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Facebook Page: Marjaan Media

 

Leave a Reply