Laba Ciyaartoy oo ka Murugaysan Heshiis Cusub oo ay u Saxeexeen Manchester United

0
469

Laba ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa muujiyey inay qoomamaynayaan go’aamo ay qaateen oo ay heshiisyo cusub ugu saxeexeen Red Devils, xilli ay is-fahmi la’ yihiin tababaraha cusub ee Ralf Rangnick.

Khabiirka Jarmalka ee beddelay Ole Gunnar Solskjaer ayaa xilka sii hayn doona illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, hase yeeshee waxa soo baxaysa xurguf markii ay barbarraha 1-1 ah la galeen Newcaslte United Isniintii.

Rangnick ayaa dardar ku bilowday Manchester United, isaga oo ku ciyaaray shax ka koobnayd 4-2-2-2, waxaana Gary Neville oo kulankaas daawanayay uu eedaymo u jeediyey Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandez oo uu sheegay inay ku kaceen hab-dhaqan niyad-jab ah oo saameeyey go’aamada Rangnick.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, qaar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United oo uu ku jiro Dean Henderson ayaa su’aal ka keenay mustaqbalkiisa Old Trafford, waxaana uu doonayaa inuu miiska la fadhiisto tababaraha cusub oo uu kala hadlo mustaqbalkiisa.

Goolhayaha reer Egland ayaa bishii August ee sannadkan waxa uu saxeexay heshiis cusub, hase yeeshee David de Gea oo bandhig cajiib ah samaynaya ayaa hoos u dhigay fursadihii uu Dean Henderson ka heli lahaa kooxda.

Laacibkan ayaa doonaya in Rangnick uu u caddeeyo inuu fursad ka siinayo kulamada kooxda oo uu ciyaarsiinayo, haddii kalena uu tegi doono naadi kale oo uu ka helayo boos joogto ah, si aanay xirfaddiisa ciyaareed hoos ugu dhicin.

Ciyaartoyda labaad ee ka qoomamoonaya heshiiskii uu horraantii sannadkan u saxeexay Manchester United waa difaaca dhexe ee reer Ivory Coast ee Eric Bailly, kaas oo rumaysan in Rangnick aanu siin doonin wax fursad ah.

Bailly oo loo fasaxay inuu ku biiro xulka qarankiisa Senegal marka la gaadho January 3, ayaa waxa uu doonayaa in sida Dean Henderson oo kale uu la hadlo Ralf Rangnick.

Leave a Reply