Qof Kasta Noloshiisa Waa Maarayn Karaa!

0
644

Darbi-jiifyada dalka Hong Kong waa kuwo u nool hab ay la qabsadeen.  Waxa guryo u ah biriishiyada hoostooda, halkaasi oo si iskood ah u sharxadaan kana dhigtaan guryo qurux badan,  Qaybta yar ee uu goostay derbijiif kastaa, markaad gudaha loo galo waxa uu noqonayaa guri aad u qurux badan.

Odayga Cheung  Muk-gun, oo 70ka,  dhaftay waxa uu ka mid yahay derbijiif, waxa raashin u ah  hamburger  uu ku cuno qolka uu ka samaystay biriishka hoostiisa oo gurigiisa ah, kuna yaalla koonfurta Hong Kong.

Qolkiisa kooban waxa uu ka sameeyay maryo iyo shirac, mana ah mid sharciya , waayo waxa uu ka dhex taagan yahay goob aan loogu talo gelin in dadku degaan, waa deegaanka ugu saboolsan ee dalkaasi.

Sida la sheegay hoy la’aanta dalkaasi ku badan waxa sababay iyadoo ay qaali yihiin qalabka la sameeyo guryaha caadiga.  Inkasta oo aanu hoy lahayn haddana waxa uu ka sheqeeya bakhaar hilibka la qaboojiyay iibiya, waxaana bishii dakhli ahaan usoo gasha lacag u dhiganta $ 279. Waxaanu u sheegay inuu sii ahaan doono derbi jiif  madaama guryuhu ay yihiin kuwo qaali ah. Odayga Cheung  Muk-gun ayaa sheegay inuu isagu noloshiisa oo dhan mareeyo, oo aanay jirin cid kale oo wax la qabataa.

Leave a Reply