Dortmund oo Wakhti u Qabatay Erling Haaland. Si uu Go’aan uga Gaadho Mustaqbalkiisa

0
742

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay wakhti u qabatay Xiddiga  Erling Haaland si uu go’aan uga gaadho mustaq balkiisa.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa xiddiga Erling Haaland u qabatay bisha February si uu go’aan kama dambays ah ka gaadho mustaqbalkiisa.

Markii uu Haaland ku biiray Dortmund suuqii January 2020, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in uu xiddiga reer Norway ka tagi karo kooxda hadii dalab fiican miiska loo saaro.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Dortmund doonayso in ay sii haysato xiddiga Haaland waxana ay u sheegtay in uu go’aan kama dambays ah ka gaadho mustaqbalkiisa February.

Sidoo kale wargayska ayaa xaqiijiyay in heshiiska Haaland ku xidhanyahay lacag dhan 63 milyan oo euro oo lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.

 

Leave a Reply