Sirdoonka Iyo Buruburka Noloshooda!

0
903

Haba Salim waxa ay ka mid ahayd faylasha xiisaha leh ee ugu caansan hawlaha sirdoonka bariga dhexe. Waxa ay ahayd gabadj u dhalatay dalka Masar, oo ku hawlan isla markaana u jajaban hawlaha sirdoonka ciidamada dalkeeda iyadoon haba yaraatee rabin lacag ay kaga hesho Israa’iil laakiin aaminsanayd inay Israa’iil tahay quwad aan la jebin Karin.

Sidaa awgeed waxa ay marka u gudbin jirtay Israa’il siraha ciidan ee muhiimka ah ee ay hesho.

Marar badan ayay diiday lacago loo soo bandhigay iyadoo haddana gudbisay macluumaadkii ugu qiimaha badnaa ee abid ay Israa’iil ka hesho gudaha ciidamada Masaarida madaama uu ninkeedu ahaa saraakiisha sare ee ciidanka Masar sida ay Israa’iilo sheegtay.

Hibo markii la qabtay ee Israa’iil ogaatay waxa oohin qabsatay oo la aamusiin kari waayay islaantii ra’iisawasaaraha ka ahayd Yuhuudda wakhtigaasi Miss. Golda Meir, waxaana ay ka codsatay wasiirkii arimaha debedda ee Maraykanka ee xiligaasi Mr.Hennery Kissinger oo isna asalkiisu ahaa Yuhuudi ahaa in uu u tago Madaxweynaha Masar Mr.Anwar Asdaat oo uu xukunka dilka ka khafiiiyo gabadha Hibo, isla markaana uu ugu bedelo xabsi iyo weliba in la is dhaafsado maxaabiis ay iyagu wkahtigaasi ka hayeen Masaarida.

Markii uu Hennery Kissinger ka degay Madaarka Qaahira ee uu ogaaday Madaxweyne Anwar Asadaat inuu arinta basaasidda Hibo Salim u socdo ayuu amray in hore loo khaarajiyo, waana la deldelay. Wasiirka Arrimaha Debedda markii uu ku qaabilay qasrigiisa markiiba waxa uu ka codsaday in uu u yimi arinta gabadha Hiba in xukunka loo khafiifyo, laakiin madaxweynaha ayaa isla markiiba ugu jawabay:  “ Nasiib daro waad daahday waaba la fuliyay dilkeeddi, hadda Aakhiro ayay jirta”.

Leave a Reply