Askari Paraguay ah oo Deero ku Dishay Madaxtooyada

0
649

Askari ka tirsan ciidamada Paraguay ayaa dhintay ka dib markii ay weerar ku qaaday Deerada ku jirta beerta xayawaan ee madaxtooyada dalkaasi.

Sergeant Victor Isasi, oo 42 jir ah, ayaa u dhintay dhaawac uu sababay Geeska Deerada, sida ay ciidamadu sheegeen.

Deerada weerartay Askariga ayaa ahayd mid aan wadanka u dhalan oo hadyad loo siiyay aqalka madaxtooyada .

Afhayeen u hadlay ciidamada  ayaa sheegay in inta badan xayawaanka ku cusub madaxtooyada lagu ahayo meel gaar ah oo aan loogu talagalin inay dadka la kulmaan.

Kaamirada CCTV ayaa qabatay askariga oo ku soo dhawaanaya deerada ka hor inta aanay weerarin. Markii dambena waxaa dimashadiisa lagaga dhawaaqay isbitaal milateri.

Victor Isasi markii uu galay xerada wuxuuna sameeyay dhaq-dhaqaaq oo gacmaha ayuu kor u qaad-qaaday taas oo kicisay falcelinta deerada,” ayuu yidhi afhayeenka milatariga Colonel Victor Urdapilleta.

Mr Isasi waxa uu ku jiray shaqo maalmeedkiisii caadi ahaa waxaana weerarku dhacay saacadihii hore ee Salaasadii.

Neefka Deerada ah ee dilka geystay ayaa ka timid dalka Hindiya,oo madaxweynaha ayaa hadyad loo siiyey, sida uu warbaahinta gudaha u sheegay agaasimaha waaxda duurjoogta ee wasaaradda deegaanka Frederick Bauer.

Deeradu waxay ahayd mid ka mid ah xayawaanno badan oo lagu hayo beero dhan 10 hektar (24 acre) oo ku yaal guriga rasmiga ah ee madaxweyne Mario Abdo Benitez.

Lama faahfaahinin halka Askariga dhaawaca uu u dhintay ka gaadhay.

Leave a Reply