Macalimad Iskuul oo aan lahayn aqoon caafimaad oo arday siisay tallaalka Covid

0
582

Macallimad dugsi ku yaal New York ah oo aan lahayn aqoon caafimaad oo rasmi ah ayaa la xidhay ka dib markii lagu eedeeyay in ay tallaalka Covid siinayay arday, sidaana waxa sheegay Booliiska.

Booliisku waxay sheegeen in Laura Russo ay ku maamushay qiyaasta gurigeeda inkasta oo aanay wax oggolaansho sharci ah ka haysanin inay bixiso tallaal, isla markaana  aanay ogolaansho ka haysan waalidka wiilka.

Ms Russo, oo 54 jir ah, isla markaana barata cilmiga bayoolajiga, ayaa la qabtay habeenkii sanadka cusub, haddii lagu helo dembiga lagu helo danbiga loo haysto waxay waajihi kartaa afar sano oo xadhig ah.

Wiilkan oo 17 jir ah ayaa la sheegay inuu doonayay tallaalka.

Irbaddu waxay noqon kartaa khatar haddii si khaldan loo maamulo. Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee shatiga haysta waa inay xaqiijiyaan in talaalku aanu ahayn been abuur ama mid dhacay. Bukaan-socodkana waa in la eego rikoodhkiisa caafimaad, sidoo kale waa in lala socdo fal-celintooda ka dib tallaalka. Waxyaabahaas oo dhan meesha ay ka maqan yihiin. Tallaalkana lama oga iyaduna may ahayn Dhakhtar iyo shaqaale caafimaad toona.

Booliisku waxay yidhaahdeen ma cadda sida Ms Russo ku heshay tallaalka la sheegay ee Covid, ama summada uu yahay. Hadda, Pfizer-BioNTech waa kan keliya ee loo oggolaaday Maraykanka da’doodu ka yar tahay 18 sano.

Muuqaal Fiidiyow ah dhacdada laga duubay ayaa u muuqda mid muujinaya Ms Russo oo u sheegaysa da’yarta: “Waad fiicnaan doontaa, sidaa saan ku rajaynayaa.”

“Gurigii ayaa ku noqon adiga oo tallaalan,” .

Booliiska Nassau ayaa sheegay in waalidka wiilka ay waceen ka dib markii uu guriga tegay una sheegeen sida wax u dhaceen.

Taliyaha Booliiska Nassau  ayaa yidhi “Waxay heshay tallaal,” sida ay ku heshayna waa la baadhayaa”.

Ms Russo waxaa lagu soo oogay ku dhaqanka xirfad aan la ogolayn.

Dhageysiga maxkamada ayaa loo mudeeyay 21ka January.

 

Leave a Reply