SIRTA NOLOLSHA iyo ABWAAN HADRAAWI Qayntii 6-aad

0
3058

 

SIRTA NOLOLSHA iyo ABWAAN HADRAAWI Qayntii 6-aad

 

 

 

Subax noolba dhiig daata

Xadhig iyo silsilad shiilan

Allow yaan sinnaanteeda

Ku beddelin saraar oodan

Iyo seere wiil qaytey

Dadka saran guudkeeda

Yaan ka dhigin sabool qaawan…

Akhristeyaal qormadeena Dhaqanka iyo Suugaanta todobaadkan waxa aynu ku sii ambaqaadaynaa tixda qiimaha badan ee SIRTA NOLOSHA oo aanu idiinka soo dheegnay diiwaanka badweynta Suugaaneed ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Tixdan oo aynu ku soo qaadanay 5aad qormo ee ugu dambeeyey ee barmaamujka dhaqanka iyo Suugaanta, sidii aynu qormooyinka hore ku soo aragnayna Abwaanku wuxuu curiyey sanadihii sideedtamaadkii, sidoo kalena waxay ka mid ahayd suugaanta ugu qotada dheer, xigmada iyo xiisahana badan. Waxa uu ku hogga-tusaaleeyey qaab-nololleedka bulshada, waxyaabaha ka reebban iyo waxa la gudboon.

sidaasi awgeed, waxa aynu toos u guddo gelaynaa Maansada oo aynu qormadeena maanta iyo kuwa soo socdaba ku soo qaadan doono haddii alle idmo:

Allow yaa wax suureeya

Salka dunida yaa dhawra

Iyo seeska jiriddeeda

Wacanaa sansaankeedu

Badanaa sudaaddeedu

Saxanaa hannaankeedu

Allow yaan sugnaanteeda

Saymiyo u rogin duullan

Subax noolba dhiig daata

Xadhig iyo silsilad shiilan.

Allow yaan sinnaanteeda

Ku beddelin saraar oodan

Iyo seere wiil qaytey

Dadka saaran guudkeeda

Yaan ka dhigin sabool qaawan

Iyo soobir caydh jooga

Erey sami wuxuu gooyo

Allow yaan ku jarin soodhka

Garashada ka dhigan seefo.

Abwaanku meerisyadan sare wuxuu sawir kaga bixiyey samaanta adduunka iyo wanaagyada ku gaafan. waxaanu ku lifaaqay isagoo isticmaalaya ereyo duco ah inay jirto baahida loo qabo inay wadcigaa wanaagsan ku sii waarto. dunidu mar waxay noqon kartaa wadar-noosha caalamka, haddana waxa lagu micnayn karaa Somaliland.

“Allow yaa su’aashaasi

Sida ay u tahay yeela”

Maansanyahanku isagoo sii wada waxa uu dardaaran u guntay Sahra, isagoo u dardaarmay inay rabbi weynidiisa iyo abuurtiisa oo kaliya adeecdo, waana sida looga baahan yahay qof kasta oo muslim ah:

Heedhee Sahraay heedhe

Dhulka iyo wixii saaran

Sare iyo wixii laalan

Inta sudan intii seemman

Waxa jira sir iyo caadba

Rabbi qudha sax weedhiisa

Sida uu ku yidhi buuxi

Waxa hadhay salka iyo baarka

Inta sool qarsoon joogta

Inta seel xidhxidhan jiifta

Inta saydha waabayda

Maroodiga siddaa dheer leh

Wiyil iyo sahboodkeeda

Inta laga subxaanaysto

Kolay tahay libaax sayn leh

Marka aad Sahraay meel fog

Uga suul-dhabaaleyso

Deg-deg inay sujuuddaada

Suxullada dhigtaan weeye!

Sidashada awooddaasi

Sahal iyo wax fudud maaha

Qofba waa garadkiisa.

Awooddaha Illaahay ee Badda, roobka , Buuraha iyo danabyada, Onkodka iyo wixii la hal maala ayuu xusuusiyey Abwaanku Sahra iyo umadda kale, waxaanu yidhi sidan soo socota;-

Heedhee Sahraay heedhe

Badda iyo sulaaqeeda

Iyo buurta saysaaban

Onkodkiyo sawaxankiisa

Salowgiyo jibaadkiisa

Danabkiyo salsalihiisa

Sarka dhabanka duufaanka

Ha ka didin sawaxankooda

Duni kuu sakhiran weeye

Sayid baad u tahay caana

Suubaali oo layli

Ku sasabo aqoontaada

Senge iyo ka dhigo doonni

Sallo iyo ka dhigo oori.

hibada hadalka iyo suugaantu waa wax alle bixiyo’e Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame oo loo garan og yahay Hadraawi wuxuu kamid yahay maanso-curiyeyaasha wax ka tusa bulshada fogaan-aragga ugu dheer. waa sababta maanso kasta oo uu curiyey quluubta dadka ugu duxdo iyadoo raacaysa tuumo ku talaallan dareenka qofka.

Sarbeebtu waa suuggada gabayga, maansada iyo geeraarka qofka uu ka tiriyo baddaha suugaanta, sidaas darteed ayey tix kasta oo hadraawi tiriyaa u leedahay sarbeeb, humaag iyo dhex-galeyaal.

Bal dhuggo mar kale isagoo sii wada maansada:

Gabadh weeye caad saran

Badi saayiraadeeda

Iyo laab salaaxeeda

Guro saadka guudkeeda

Iyo sahayda uurkeeda

Kordhi noole soorkeeda

Iyo baahi saarkeeda

Hubi nabad sugnaanteeda

Iyo sabo negaanteeda

Ha ku deyin xannun saaqa

Ha ku badin saqaaf ciiddan

Suluf iyo colaad waarta

Ha ku saaxin naabaalka

Iyo sulubka baaruudda

Ha ku didin sabbeeyaanka

Sabareynka boodbooda

Iyo sukhula naareedka

Ha la dhicin sawaariikhda

Iyo saanadaha miiggan

Ha sumayn macaankeeda.

Leave a Reply