Dawladda hoose ee Hargeysa oo Digniin Adag dul dhigtay Wadayaasha Gaadiidka

0
374
Hargeysa (Dawan)-Dawladda hoose ee degmada Hargeysa, ayaa digniin adag dul dhigtay dirawaliinta gaadiidka yar yar ee Tagaasiada loo yaqaano, kuwaasi oo ay uga digtay in ay sameystaan waraaqo cashuureed been abuur ah.
Waxaa sidoo kale ay masuuliyiinta dawladda hoose shaaca ka qaadeen in qaar ka mida dirawaliintaasi lagu qabtay iyaga oo sameystay waraaqahaasi been abuurka ah.
Qodobadii ka soo baxay Kulanka todobaadlaha ah ee u dhexeeya Maamulka Sare Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, agaasimayaasha waaxaha kala duwan, gudoomiyayaasha degmooyinka caasimadda iyo gudoomiyayaasha shirkadaha Nadaafadda waxa todobaadkan ka mid ahaa Qodobadii ka soo baxay kulanka.
1. In Digniin adag loo diro dhamaan cidkasta oo lagu qabto in ay samaysatay waraaq cashuureed been abuur ah, gaar ahaan waxay digniintani ku socotaa gaadiidlayda ku shaqaysta adeega qaadista dadwaynaha (TAXI) oo qaar ka mid ah lagu qabtay in ay samaysteen waraaq cashuureed been abuur ah.
2. In agaasimayaasha iyo guddoomiyayaasha waaxaha kala duwan ay sii kordhiyaan sida wanaagsan ee ay ugu shaqeeyaan bulshada ay maamulaan si ay u fududaato hawlaha shaqo ee ka socda xaruumaha kala duwan ee ee dawladda hoose ee Hargeysa.
3. In xaafadaha magaalada Hargeysa lagu dhiirigaliyo in ay ilaaliyaan nadaafadda, sidoo kalena ay si joogto ah ula shaqeeyaan waaxda degmada ee laga maamulo xaafadda.
4. In la abaalmariyo shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa intooda mudan.
5. In ay dadku ka durkaan goobaha ay ka socdaan dhismayaasha waddooyinka ee ka socda gudaha Caasimadda Hargeysa.

Leave a Reply