Jawaar Maxameed: Waa kuma ninka laf dhuun gashay ku noqday Abiy Axmed hadda xabsiga laga soo daayay?

0
785

Itoobiya ayaa sheegtay in ay xabsiga ka sii deynayso Jawar Mohammed oo ah mucaarad caan ah iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan Jabhadda Xoraynta Tigrayga (TPLF) oo xabsiga loo taxaabay ka dib dagaalkii sokeeye ee ka dhacay waqooyiga dalkaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Waxaa saraakiishaasi ku jira mid ka mid ah aasaasayaashii TPLF oo la yirahdo Sebhat Nega iyo Madaxweynihii hore ee gobolka Tigray Abay Woldu.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ciidamadiisa ay waqooyiga kula dagaallamayeen xoogagga TPLF tan iyo dabayaaqadii 2020-ka, ayaa ka hadlayay baahida loo qabo dib u heshiisiin qaran toddobaadyadii la soo dhaafay.

Jawaar, oo sidoo kale siyaasi ah, ayaa bishii July ee sanadkii 2020 lala xiray dhowr ruux oo kale, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen rabshado daba socday dilkii loo geystay fannaankii Oromada u dhashay ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.

Mr Jawaar ayaa horay maxkamadda ugu sheegay in kiiskooda oo dhan uu yahay mid siyaasad salka ku haya, ujeeddada kaliya ee laga leeyahayna ay tahay sidii looga hor istaagi lahaa isaga inuu u tartamo xafiis dowladeed marka la gaaro doorashada lagu wado inay Itoobiya ka dhacdo bisha June ee sanadkan.

Haddaba waa kuma Jawaar Maxamed?

Jawaar Siraaj Maxamed waxaa uu sanadkii 1986 ku dhashay magaalada Dhumuga ee gobolka Arsi ee dalka Itoobiya. Aabihii waxaa uu ahaa nin Oromo ah oo heysta diinta Islaamka, halka hooyadiina ay aaminsaneyd madhabta qibdiyiinta dalka Itoobiya looga yaqaano Tulama.

Waxaa lagu tilmaama in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan Itoobiyada casriga ee haatan jirta.

Jawar waxaa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay iskool ay maamulaan mad-habta katoliga oo ku yaala magaalada Asella, waxaana sidoo kale waxbarashada dugsiga sare uu kusoo qaatay iskoolka Adama sanadkii 2003, xilligaas oo uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taala dalka Singapore. Waxaa uu jaamacaddaas ka qallin jabiyay sanadkii 2005.

Culluunta siyaasadda ayuu markii dambe jaamacadda Stanford ka bartay, oo waxaa uu ka qaatay shahaadada koowaad, waxaana uu ka qallin jabiyay sanadkii 2009, Sidoo kale shahaadada labaad ayuu sanadkii 2013-ka ka qaatay jaamcadda Columbia ee dalka Mareykanka oo uu ka bartay ka shaqeynta iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha.

Jawaar Maxamed waxaa uu sanadihii dambe fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka. Wuxuu door weyn ka qaatay kacdoonkii dalka Itoobiya ka dhacay sanadki 2016-kii. Intii uu jooga Mareykanka waxaa uu asaasay warbaahin lagu magacaabo Oromia Media network.

Jawaar oo ay dalka Itoobiya ugu dambeysay sanadkii 2008 kahor inta uusan kusoo laabanin ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee dalka mareykanka uu ka hirgeliyay stuudiyo, halkaaas oo warbaahinta OMN iyo baraha bulshada uga hadli jiray “dhibaatooyin” uu sheegay in dowladdii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn ay ku heyso dadka Oromada iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Wuxuu ahaa shakhsigii asaasay OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey.

Waxaa uu baraha bulshada iyo warbaahinta uga dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda dadka Oromoda, isagoo hadba muuqaalo ama farriimo soo dhigi jiray warbaahinta OMN iyo baraha bulshada.

Jawaar akoonada uu ku leeyahay baraha bulshada waxaa ku taxan kumanaan qof oo uu saameyn ku leeyahay.

Kacdoonkii isbadel doonka

Jawaar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawaar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhallinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo uu asaasay sanadkii 2016-ka, kuwaas oo gudaha dalka itoobiya ka sameeyay mudaharaadyada sababay inay dowladda hore meesha ka baxdo.

Markii ay rabshadaha ka socdeen dalka Itoobiya, dad badan waxay aad ugu xusuustaan jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntiina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.

Waxaa uu Jawaar dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya sanadkii 2018-ka, xilligaas oo uu isbadelka ka hirgalay Itoobiya. Dad badan waxay Jawaar ku eedeeyaan in uu qeyb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo, haseyeeshee waa uu beeniyay eedyamhaasi.

Leave a Reply