Maayar iyo Darawlkiisii oo lagu Qabtay 200kg oo Daroogo ah

0
343

Duq magaalo iyo Darawalkiisii ayaa Booliiska dalka Niger ay gacanta ku dhigeen, ka dib markii baabuurkiisa lagu qabtay  maandooriyaha kookayn ah oo dhan 200kg(440lbs) waxaana lagu sheegay kii ugu badnaa ee abid lagu qabto dalkaa. Sidaana  wakaalada wararka ee AFP ka soo xigatay saraakiisha Booliiska.

Labada ruux ee la qabtay oo aan magacyadooda la shaacin ayaa la sheegay in daroogadan ay u wadeen dalka Liibiya, kana keeneen dalka Mali.

 

Duqa magaalada Fachi iyo darawalkiisa ayaa la qabtay xilli ay ku socdaalayeen xudduudda Liibiya iyaga oo la socday gaadhi ay dowladdu leedahay oo la sheegay in laga soo buuxiyay 214kg (471 pounds) oo Cocaine ah.

Maandooriyahan iyo labada nin ee la soo qabtay, ayaa saxaafadda loo soo bandhigay hawlgal dhacay Axaddii ka dib.

“Waa markii ugu horeysay oo dalkeenu uu qabto xaddi intaa le’eg oo kookayn ah,” ayay tidhi afhayeenka hay’adda la dagaalanka daroogada Niger Nana Aichatou Ousmane Bakoshe, sida ay sheegtay AFP.

Waxa ay intaa ku dartay in kookainkan uu u dambeeyay uu ahaa Yurub, halkaas oo qiimihiisu lagu qiyaasay in ka badan $19m (£14m).

Fachi waxay ku taal badhtamaha saxaraha Tenere, in ka badan 1,600km (1,000 mayl) ayaanay u jirta caasimadda Niamey ee dalka Niger. Dhaqaalaheedu waxa uu ku wareegayaa ka ganacsiga timirta iyo milixda.

Daroogada ayaa loo eekaysiiyey Lebenka dhismaha ee laga isticmaalo marka la dhisayo guryaha Saxaaraha, laakiin Booliiska ayaa gartay.

 

Leave a Reply