Labo ka mid ah xiddigaha Barcelona oo laga waayey Korona Fayras oo u duulay dalka Sucuudiga si ay ula midoobaan Kooxdooda 0

0
371

Laba ka mid ah xiddigaha kooxda Barcelona ayaa laga waayey KOFID 19, waxaana ay qarka u saaran yihiin inay xiddigaha naadigooda kula midoobaan dalka Saudi Arabia oo ay uga qeyb-galayaan Koobka Spanish Super Cup.

Barcelona ayaa shaaca ka qaadday in xiddigaheeda da’da yar ee Ferran Torres iyo Pedri Gonzalez labadaba laga waayey oo ay negative ka noqdeen caabuqa KOFID 19.

Labadan laacib ayaana ku biiri doona shaxda Blaugrana ee ku sugan Magaalada Riyadh ee dalka Saudi Arabia, halkaasoo ay ku ciyaari doonaan koobka Spanish Super Cup, waxaana xiddigahan ay haatanba u duuleen dalka Sucuudiga.

Torres iyo Pedri ayaa markii hore laga saaray xiddigihii Barca ee u safray dalka Sucuudiga, waxaana shalay ay kooxdu xaqiijiyey in ay jawaab ka sugayaan baaritaanka xanuunkan Korona ee PCR.

Pedri ayaan u ciyaarin Blaugrana tan iyo bishii September sababo la xiriira dhaawac muruqa ah, halka Torres uusan weli kulankiisii ugu horreeyey u ciyaarin kooxda tan iyo markii uu kaga soo dhaqaaqay Manchester City.

Leave a Reply