Miyuu Dean Henderson doonayaa inuu ka tago kooxda Manchester United?

0
433

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa shaaca ka qaaday in Goolhaye Dean Henderson uu ka codsaday inuu isaga tago Naadiga.

Ralf Rangnick ayaa sheegay talkSPORT kaddib markii uu soo dhammaaday kulankii xalay ay guusha ka gaareen Aston Villa ee tartanka FA Cup-ka in Goolhaye Henderson uu weydiistay inuu isaga dhaqaaqo kooxda.

Kaddib kulankii xalay ay Man United 1-0 uga adkaaday Aston Villa, iskana xaadirisay wareegga afaraad ee FA Cup-ka ayuu Macallin Ralf Rangnick shaaca ka qaaday in labo todobaad ka hor uu Dean Henderson ka codsaday inuu isaga tago Manchester United.

Hoggaamiyaha reer Jarmal ayaa hadalkiisa intaa ku daray in goolhayahan reer England ku yiri maya oo uu ka diiday inuu tago.

Suxufiga ka socday talkSPORT ee Sam Matterface ayaa markaa kaddib weydiiyey Macallin Ralf haddii ay xaaladdu isbedeshay waxaana uu yiri Macallinka Man United: “Maya wax isbeddel ah ma jiraan, mana tagayo, sababta aannu caawa shaxda kooxda ugu jirinna waxa ay tahay xanuun awgii.”

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in marka loo eego 58-ka milyan ee gini oo ay Fiorentina ku dalbaneyso xiddigooda, mushaarkiisa uu Gunners ku qaadan doono ee 300,000 oo gini shanta sano ee soo socota iyo kooxdiisa maamulka oo heli kara 15 milyan oo gini ay xaaladda ku adkaynayso Arsenal oo ay ka go’an tahay inay gacanta ku soo dhigaan weeraryahankan.

 

Leave a Reply