SUUQA! Labada Ciyaartoy ee Liverpool ay ku Xallinayso Madax-xanuunka Haysta oo La Shaaciyey

0
318

Liverpool ayaa isku dayi doonta inay lasoo saxeexato laba ciyaartoy oo ay rumaysan tahay inay xallin doonaan mushkiladda haysata tababare Jurgen Klopp oo madax-xanuun ka qaaday natiijooyinkii ay kooxdiisu ka keentay garoomada bishii December ee sababta u noqday in 11 dhibcood ay ka dambeeyaan Manchester City oo hoggaanka haysa.

Reds ayaa u muuqanaysay koox aan la celin karaynin bishii October markii ay min 5-0 ku burburisay kooxaha Watford iyo Manchester United, isla markaana ay 18 dhibcood ka  heleen lixdii kulan ee wareegga group-yada Champions League oo ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah ee wada guuleysata kulamada lixda ah ee wareegga group-yada tartankaas.

Advertisements

Laakiin mar kaliya ayay natiijooyinku dhinaca kale iskugu rogeen, waxaanay lumiyeen dhibco ay qaarkood ka qaateen kooxaha hoose ee horyaalku.

Chelsea ayay ka xajisan kari waayeen laba gool oo ay kala hormareen Axaddii toddobaadkii hore, waxaana u raacay Brentford, Brighton iyo Tottenham, halka ay guul-darrooyin kala soo kulantay West Ham iyo Leicester City.

 

Siddeed dhibcood oo kaga lumay afarta kulan ee barbarraha ah iyo lix ay ku weyday labada guul-darro ayaa waxay Liverpool sabab ugu noqdeen inay u dhacdo kaalinta saddexaad iyadoo 11 dhibcood ka dambaysa Man City oo si xidhiidh ah u guuleysatay 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Waxa intaas u dheer, in Liverpool ay ka baaqatay ciyaartii Leeds United ay la dheeli lahayd, taas oo haddii ay guuleysataan ay kusoo yarayn karaan farqiga dhibcaha ee u

Leave a Reply