Xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqday qayladhaan abaareed

0
307

Hargeysa (Dawan)  – Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in abaaro ay ku dhufteen dad tirradoodu dhantahay 810,000 oo ku kala nool 6 gobol oo Somaliland ah.

Madaxweyne ku xigeenka oo u hadlayay guddi uu madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, u magacaabay gurmadka abaaraha, ayaa sheegay in abaaro ba’ani ay ku dhufteen deegaano kamid ah Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu maanta halkan usoo joogsanay haddii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, kadib markii roobkii gugu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka”

Saylici ayaa sheegay in abaartu saamaysay dad hal-milyan ku dhaw oo ku kala nool lix gobol oo Somaliland ah.

Waxaanu yidhi.”Waxa dalka ka jirta xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan gobollada dalka, sida Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Howdka Maroodijeex iyo Xeebta Gobolka Awdal, qiimaynta lagu sameeyay abaarta, waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya, 810,000 (sideed boqol iyo toban kun)”.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Hay’adda Maaraynta Aafooyinka Somaliland, diyaarisay raashin la gaadhsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen, isla markaana xukuumaddu diyaaraysay lacag dhan 3 milyan oo dollar oo wax lagaga qabanayo abaarta

Leave a Reply