Faa’iidooyinka uu u Leeyahay Wadnaha Iyo Caafimaadka Qofka Fiitamiin C:

0
480

Todobaadka qormada arrimaha bulshada waxaan ku eegi doonaa faa,iidooyinka laga helo faytamiin C iyo cunista cuntooyinka baalka leh oo ka hor taga xanuuno dhawr ah, hadaba qaybtan hore aynu ku horayno e Khubaro caafimaad, ayaa sheegay in fiitamiin C-ga lagaga hortagi karo wadno-xannuunka oo khatar ku ah dadka, kuwaasoo tilmaamay in fiitamiinnada qaarkood ka hortag u yihiin cuduro kala duwan oo wadno-xannuunku ugu horeeyo. Khubaradan aqoonta u leh dhinaca caafimaadka, ayaa cilmi-baadhis ay sameeyeen oo wargeyska Maankaab soo xigtay ku ogaaday in dadka miisaanka badan ama aadka u buuran ay caafimaadka wadnahooda ku ilaalin karaan isticmaalka faytamiin C, iyagoo aan wax jimicsi ah samayn.

“Waxa aynu si dhammaystiran uga hor tagi karnaa wadno-xannuunka iyo faaliga, inagoo si fiican u isticmaalayna faytamiin C (Lysine) oo xataa dawo u noqon kara xannuunadan,” ayuu yidhi Linus Pauling oo ka mid ah khubarada caafimaad ee daraasadan diyaarisay.

Baadhitaan shaybaadh oo lagu sameeyey 44 qof, ayaa lagu ogaaday faa’iidada faytamiin C u leeyahay in wadnuhu si fiican u shaqeeyo, kana faa’iido badan yahay dawooyin badan oo dadku isticmalaan si wadno-xannuunka ay uga dawoobaan. Waxa ay cilmi-badhayaashu xuseen in faytamiin C-gu leeyahay saamayn xooggan oo dhinaca caafimaadka dadka khatarta ugu jira wadno-xannuunka halista ah.

Cilmi-baadhiso hore loo sameeyey laf ahaantooda ayaa iftiimiyey in Faytamiin C faa’iido caafimaad oo dhanka wadnaha ah u leeyahay dadka wadno-xannuunka ka cawda amma uu ku soo fool leeyahay faaligu, halka daraasad kale laf ahaanteedu sheegtay in faytamiinkan uu dadka xiiqda qaba hoos uga dhigo khatarta xannuunkan.

Dhuumaha dhiigga qaada ee dadka buurbuuran waxa ka maqan faytamiino fududeeya in dhuumuhu awood u yeelan karaan in ay dhiigga si fiican u riixaan, sababtoo ah waxa soo urura xidiidada dhiigga jidhka intiisa kale gaadhsiiya amma wadnaha ka soo qaada, taasina waxay sababta in ay wadno-xannuun amma faaalig hore u qadaan. Sidaa darteed, cilmi-badhayaashan caafimaad waxa ay sheegeen in jimicsiga joogtada ah iyo faytamiin dadka quuta ka badbadaan xannuunada, sababtoo ah quudashada joogtada ah ee Faytamiin C waxa ay keenta in jidhku soo daayo 500mg oo daawo ah oo hoos u dhigta maadada Endothelin-1 oo keenta in xididadu soo ururaan.

Geesta kale, waxa uu ka hor taga in qofku hargab qaado, sababtoo ah waxa uu xoojiyaa hab-dhiska difaaca cudurrada ee jidhka. Waxa kale oo uu difaaca faytamiin C xannuunada wadnaha asiiba, halka uu maqaarkana ka difaaco in uu coodh-coodho amma xannuuno kale ku yimadaan. Faytamiin C waxa kale oo khubarada caafimaadku sheegtay inuu u fiican yahay indhaha amma wuxuu kor u qaada araga qofka, halka ay sidoo kale tilmaameen inuu ka hor tago noocyo badan oo cudurka kansarka iyo xannuunka faaliga ka mid ah. jidhka laf ahaantiisa waxa uu ka caawiya in booratiino badan uu soo saaro.

Haddaba, cuntooyinka faytamiinka inta badan laga helo waxa ka mid ah cambe-babayga, liin-macaan, cananiska iyo khudaar badan oo kale.

Leave a Reply