Xukuumadda oo cambaareysay fal arxan-darro ah oo ay Soomaaliya kula kacday dhalinyaro reer Somaliland oo laga soo celiyey Liibiya

0
424

Qore. Saleeban Kalshaale

“saddex bilood ayaanay reerkayagu wax war ah iga helin oo aan dhimasho ku qornaa oo la ii waayey”mid kamida dhalinyarada Liibiya laga soo samo-ta bixiyey

Hargeysa(Dawan)-Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxa maanta soo gaadhay dhalinyaro laga soo qaaday Dalka Liibiya oo u dhashay Somaliland, kuwaasoo Tahriib ku tegay dalkaasi.

Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha dhalinyaradan oo cabasho ka muujiyey in madaarka muqdisho oo la soo mariyey loogula dhaqmay si qariban oo la siyaasaddeeyey.

Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo qaxoontiga Cabdikariin Xinnif oo gegida diyaaradaha ku qaabilay dhalinyaradan, ayaa cambaareeyey ficillada maamulka Soomaaliya kula kacay markii la keenay Muqdisho dhalinyaradaasi.
Waxa uu sheegay inay tahay arrin fool-xumo leh oo xad-gudub ku ah xuquuqda musaafiriinta, isagoo tilmaamay inay horeba dareen noocaas ah uga qabeen inay dhici karto haddii Xamar la soo mariyo.
Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waanu ka xunahay dhalinyaradan oo saaka u baahnaa in la quraaciyo oo wax loo qabto in diyaaradan ay saarnaayeen oo xalay ka soo duushay Liibiya, soo fadhiisatay 7:00 subaxnimo Muqdisho laga dejiyey intii xamar u socotay, haddana Hargeysa ku soo noqotay oo keentay intii reer Somaliland, la siyaasaddeeyo oo inta mikirifoonno loo dhiibo Xamar kaga dhex hadla la yidhaahdo midnimada Soomaaliya waa muqadis iyo Soomaaliya ma kala go’i karto iyo waxyaabo dacfi ah lagu khasbo inay ku hadlaan”
Hay’adda Socdaalka ee Qaramada midoobay ee IOM, ayuu guddoomiye Xinif ku wargeliyey in aanay dib dad reer Somaliland ah u soo marin Muqdisho, horena ay arrintaas uga wada hadleen “Dhalinyaradaa waxaanu muddo ka wada hadlaynay in aan Soomaaliya la soo marin Hay’adda IOM, balse markii dambe waxaanu ku heshiinay in diyaarada ka soo qaaday Liibiya ay Hargeysa keento oo aan laga dejin karin, kuwa Soomaaliyana waddada uun ka dhaxayso , haddiise ay maanta dhacday in waxaan laaqigooda ahayni lagu sameeyey, waa waxaan dib u dhici doonin waanay i maqlaayan qolada IOM”ayuu raaciyey.
Mid kamida Dhalinyaradan oo ahayd gabadh dhalinyaro ah oo muddo sanad iyo dheeraad ah qoyskooda ka maqnayd, ayaa sheegtay inay dhib iyo rafaad badan kala kulantay tahriibtii ay martay, isla markaana ay gaadhay heer dhimasho lagu tiriyo “Rafaad badan ayaan la kulmay sanad iyo dheeraad ayaan maqnaa. saddex bilood ayaanay reerkayagu wax war ah iga helin oo aan dhimasho ku qornaa oo la ii waayey, laakiinse allaa mahad leh markii dambe ayaanu is helnay aniga iyo Hooyaday, iminkana waan ku faraxsanahay in aan Hooyaday la kulmo oo aan dalkaygii imaado”ayey tidhi musaafiradan oo wajigeeda farxad iyo rayn-rayn laga dheehanayey markii ay diyaarada ka soo degtay.
Wiil kale oo kamida dhalinyaradan ayaa isna sheegay “waan ku faraxsanahay in aan dalkaygii imaado, inkasta oo nalagu khasbay in aan diyaarada ka degno markii aan muqdisho nimi oo nalagu khasbo in aanu bixino waraysi khasab ah”

Leave a Reply