Qaybta 2.aad: Cunista Hadhuudhka oo Hoos-u-dhiga Khatarta Kansarka, Wadno-xannuunka iyo Macaanka

0
651

Cilmi-baadhis uu sameeyey dugsiga Caafimaadka ee Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in cunista cuntooyinka hadhuudhka ah sida qamadida, arabakhida iyo garawgu ay ka hortagaan khatarta Kansarka, Wadno-xannuunka, Macaanka iyo xannuunada dheef mareenka ku dhaca

Cuntooyinka isha leh (Fibres) waxay ku jira nafaqo, macdano iyo Antioxidants, waxaannay khubarada baadhay sheegtay in haddii qofku cuno 34g maalintii in haweenka ay awood u healayaan uu 17% ka badbadaan khatarta in ubadkoodu uurka ku dhintaan., iyadoo la barbardhigay dadka iyagu quuta 3.9 g oo cuntadan ah oo aan awoodooda difaaca cudurradu wanaagsanayn.

Cilmi-badhayaashu waxa kale oo ay sheegeen in daraasadoodu muujisay in dadka cuntadan cuna ay 11% ka badbadaan xannuunada dheef mareennadaku dhaca, halka 48% aanu ku dhicin xannuunka macaanku. La soco..

Leave a Reply