Khadar.M.Dhako.
Berbera(Dawan):-Taliyaha Ciidanka illaalada xeebaha iyo difaaca badda Somaliland Admiral Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa shalay kormeer shaqo ku soo maray Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Magaalada Berbera.
Admiral Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kormeerkiisu la xidhiidho ilaalinta Ciidamada ee bada iyo dardarginta heeganka ay ugu jiraan.
Maxamed Xuseen Faarax oo ka hadlayay kormeerkan waxa uu yidhi”Waxa aan idiiku imid kormeerkii caadiga ahaa waxaanan heegan u nahay illaalinta baddeena waana la sii kordhinayaa heeganka Ciidanka, waana lalaban laabayaa habeen iyo Maalinba waad usoo jeedaan Habeen iyo Maalinba waanu imanaynaa kormeerka,waanad ku ammaanan tihiin ilaalinta Badda waana shaqadeenii,waxaana aan idinku baraarujinayaa in aad ilaalisaan ammaanka Badda,”.
Sidoo kale Taliyaha saldhiga Ciidamada Xeebaha Magaalada Berbera Gaashaanle sarre Haaruun Siciid Cali ayaa waxa uu ka warbixiyay Xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Ilaalada Xeebaha.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu galinaa Ciidamada falka lixda iyo badhka subaxnimo,si aanu waajibaadkayaga guud ahaan u gudano waana aanu nabadqabnaa,”.