Ciidanka Dabdamiska oo soo Bandhigay Dhacdooyinkii ay Diwaangeliyeen Sannadkii Tegay ee 2021

0
556

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Dabdamiska Somaliland, ayaa soo bandhigay xogta dhabta ah ee ku saabsan dhacdooyinka ay diwaangeliyeen sannadkii tegay ee 2021 iyo qasaaraha nafeed iyo hantiyeed eek a dhashay .

Ciidanku waxa ay sheegeen in dhacdooyinka ay diwaangaliyeen sannadkii tagey ay isugu jiraan, guryo gubtay, badbaadooyin dad iyo duunyo, dhimasho iyo dhacdooyin kale.

Waxaana sidan lagu sheegya war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee ciidanka dabdamiska Somaliland waxaanu u dhignaa sidan.

Badbaadooyinka iyo hawlgalada guud ee ciidanka Dab-demiska sanadkii 2021.

  1. Waxaa gubtay Guryo Daar ah : 523 dab
  2. Guryo Jiingado ah : 456 dab
  3. Guryo Buulal ah : 489 dab
  4. Dhir iyo xashiish : 442 dab
  5. Shoodh laydh : 20 dab
  6. Tirada dadka la badbaadiyay : 577
  7. Tirada xoolaha la badbaadiyay: 439
  8. Tirada gaadiidka la badbaadiyay: 223

Khasaaraha ka dhashay hawlgaladaa ee ciidanka Dabdemisku diiwaangeliyeen 2021 :

  1. Dadka ku dhintay dab : 5 Qof
  2. Dadka ku dhintay Gaadiid : 22 Qof
  3. Dadka ku dhintay Ceelasha & Daadka : 12
  4. Dadka ku dhintay godadka : 4 Qof
  5. Dadka ku dhaawacmay dab : 65 Qof.

Leave a Reply