Wasaaradda Maaliyadda oo tababar u furtay Xisaabiyeyaasha Dawladda

0
497

Qore: Maxamuud Walaaleeye

Hargeysa-(Dawan):- Wasaaradda H. Maaliyadda Xafiiskeeda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda  iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda ayaa si wadajir ah tababar ugu qabtay xisaabiyeyaasha Hay’addaha Dawladda. Tababarkaas oo ku saabsan hirgelinta Halbeegyada Caalamiga ah ee xisaabaadka dawladda (IPSAS), waxa si rasmi ah u furay Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Mudane Axmed Dauud Geeddi.

Hirgelinta halbeegyada caalamiga ah ee xisaabaadka dawladda waxa looga golleeyahay dardargelinta iyo casriyeynta hannaan xisaabeeddka dawladda si loo helo xogo xisaabeed rasmi ah oo lagu go’aan qaato iyo in la hubiyo daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka isticmaalka iyo maamulka maaliyadda dawladda.

Leave a Reply