Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay sida keliya ee Xukunka Dalka lagula kala wareegi karo

0
324

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Calo Koore ayaa sheegay in xukunka dalka  lagula kala wareegi karo Doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa intaa ku daray in dalka  marayo meel fiican oo Xukuumaddu ku hawlan tahay in Somaliland noqoto dal ka mid ah Caalamka,waxaanu intaa ku daray in macno weyn aanay samaynayn cayda Warbaahinta laga  sheegayo.

Saleebaan Cali Koore oo Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan ku faraxsanay in aynu meel fiican marayno oo Umaddu rabto in aynu hore u socono oo aynu noqono dal ka mid ah dalalka Caalamka,waxaaynu  wadnaa in aynu Caalamka xodxodano oo ay ugu horayso xanaha aad hada  ka maqlaysaan Caalamka.ama  Yurub ha,noqoto ama Maraykan ha,noqoto waddo dheer ayaynu ku soconaa,waxaanan leeyahay oo ka digayaa in aynaan innagu boqnaha  isgoyn inta aynu hayaanka ku jirno,waxaaynu u baahannahay innaga oo xasiloon in aynu la kala wareegno kuraasta innaga oo raacayna waddooyinkii hore ee la soo maray macno weyn samayn mayso  cayda iyo xaasidnimadu.dawladnimada waxa kaliya ee  lagula kala wareegi karaa waa Doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda,waddo kasta ha soo maro qaylo kasta ha,sheego waligiiba ha, cartamo waxa lagula kala wareegi karaa hal cod iyo hal qof  sida dastuurka Somaliland qorayo,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu ku amaanay Cuqaal iyo Waxgarad ka hadlay ilaalinta Nabedgalyada.Waxaana uu yidhi”Waxa khasab nagu ah in Xukuumad ahaan aanu nidhaahno waad ku mahadsantahay,qof kasta oo reer Somaliland ah meel kasta oo uu joogo oo kelmad u yidhaahda Nabada iyo wada noolashaha,waxa aan Hambalyaynayaa Odayaashii Nabada ka hadlay 48 Saacadood ee ugu dambeeyay ee Nabada qiimaheeda sheegay waxa aan leeyahay ka Xukuumad ahaan  Hambalyo Hambalyo,waxaanan leeyahay waanu idinku taageersanahay Nabadana waynu ka wadashaqaynaynaa waxaana ay ka turjumaysaa hadalkii uu ku hadlay Oday Xaaji Cabdiwaraabe in uu maray wadadii aabbihii ee Nabadda iyo nolosha Umadda reer Somaliland ku wada noolaan la hayd”.
 

Leave a Reply