Gumaysiga Iyo Bulshoyinka Caalamka

0
622

Sanadkii 1730 baarlamaanka Maraykanka ayaa ansixaya sharci ogolanaaya in la gumaado oo la dabar jaro dadkii Hindida Cascas ee dalka loogu yimi (Red Indians).  Waxa kale oo ka mid ahaa qodobadii ku jiray in qofka dila nin Hindida cascas ah la siin doono abaal marin 100 Ginni, haddii uu dilo gabadh ama ilma yarna la siin doono 50 Ginni.

Qoraaga Buugga “The right to sacrifice” Muniir Alcakshi ayaa ku qoray buugiisa in tirada dadka Hindida cascasi ay ahayd 112 malyuun, laakiin markii lagula kacay dabar goyntaasi iyo xasuuqaasi ay tiradoodu noqotay 4 malyuun.

Ka dib markii sida xayawaanka loola dhaqmay waxay ku khasbanaadeen in miiska wadahadalka ay la fadhiistaan Maraykanka iyagoo ay ka muuqato dulli, bahdilaad baabiinta ah ee ku dhacday awgeed.Waxaana lagu khasbay madaxdii qabiilooyinkabulshadaasi Hindida ah ee iyagu dhulkaasi degenaa inay sexeexaan warqad ay ku qorayd in qabiiladani ka fogaato dhulkeeda oo dhan.

Madaxa qabiilada Sauk Hinidada cas oo noolaa qarnigii 19 Mr.Black Hawk ayaa yidhi “ Waxaan ka tanaasulay magaalooyinkayagii, waxa aan sidaasina u yeelay si loo badbaadiyo nafo badan oo bulshada Hinidada ah iyadoo lagu sexeexay baal shimbireed”   (American Genocide)

Leave a Reply