Maxay Tahay Abaal-marinta Ciyaaraha ee loo Yaqaan The Best?

0
319

Waxa la isku diyaarinaya xaflada abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee ay bixiso FIFA ee The Best taas oo la qaban doono maalmaha soo socda.

FIFA ayaa abaalmarin ku aqoonsan doonta xiddigii ugu fiicnaa sanadkii 2021 iyada oo xiddigaha lagu abaalmarin doono qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen.

Goorma Ayaa La Qaban Doonaa Xaflada:

Xaflada Rasmiga ah ayaa la qaban doonaa maalinta Isniinta kuna beegan 17 bisha January waxana lagu qaban doonaa caasimada Switzerland ee Zurich iyada oo xafladu bilaaban donto 8:00 fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Ayaa u tartamaya xaflada:

Xiddigaha u tartami doona abaalmarinta kala ah Robert Lewandowski (Bayern Munich), Lionel Messi (Paris Saint-Germain) & Mohamed Salah (Liverpool).

Tababaraha ugu fiican:Roberto Mancini (Italy), Pep Guardiola (Manchester City) & Thomas Tuchel (Chelsea)

Leave a Reply